War deg deg ah oo hadda  soo gaadhay ONA ayaa sheegaya in gabi ahaamba ay la waregeen Taliska Woyanuhu gacan kuhaynta maamulkii  kajiray gobolka Gambella oo xukun military lagu soo rogay .

Sida aanu horayba wararkanagii  hore idiinku soo gudbinay inay baryahan sii xoogaysanayaan dagaalada kasocda gobolka Gambella, dagaaladan ayaa waxay u dhexeeyeen Jabhada ka dagaalanta gobolkaas ee loo yaqaano  Gambella Peoples Libration Movement & ciidamada Woynaha.

Markii u dagaalkaas ay jabhadu wado wiiqay ciidamada Woyanaha ayuu gumaysiga Itoobiya sidii caadada u ahayd dab ka dhex shiday labada qabiil ee wada dagta gobolkaas ee la kala yidhaahdo Nuer & Anuak oo kasoo wada jeeda qoomiyada Nailotic ah.

Isku dhacan  labada qabiil  ayaa waxaa ku kala dhintay dad ka badan 100 qof  dhawr boqol oo qofina way ku dhaawacmeen, waxa kaloo isku dhacani sababay in guryo  badan &  beero  lagubo. Warku waxa kale oo uu intaas ku daray in shalay la jabsaday xabsiga ugu wayan gobolka Gambella oo dad badan lagala baxay.

Hadaba dawlada Woyaanaha oo meelo badani ay dagaalo & kacdoono ayay kaga socdaan ayaa go’ankan deg deg ah qaadatay si aysan xaalada gobolku faraha uga bixin , laakiin dadka siyaasada arrimaha Itoobiya u dhuun duleelaa waxay sheegayaan inaysan xal keenayaynin la wareegida ay Itoobiya la wareegtay maamulka gobolka Gambella balse ay xaalada  aagaas ka jirta ay sii murginayso.

ONA

 

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay