Waxaa todobaadkan shirkoodii billaha ahaa iskugu Yimid Xubnaha kahawlgala Faraca Manitoba gaar ahaan Magaalada Winnipeg ee Jaaliyada Somalida Ogadenya ee dalka Canada.

Kulankan ayaa lagu furay Aayado Qur’aanka Kariimka ah kamid ah iyo wacdi diini ah oo aad u qiimo badan. Waxaa wacdiga soo jeediyay Madaxa Hogaanka Arimaha Diinta & Wacyigalinta Bulshada Sh Cabdinuur Sheekh, oo dhamaan xubnihii kulankan kasoo qaybgalay ku baraarujiyay Alle ka cabsiga iyo muqadasnimada gudashada waajibaadka halganka.

Shirkan ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Jaaliyada Winnipeg Halgame Cabdinasir Maxamad. Wuxuu Gudoomiyuhu la wadaagay xubnihii kulankan kasoo qaybgalay warbixin aad u qiimo badan oo meelo badan taabanaysay. Xaalada Gumaysiga ayuu aad uga warbixiyay Gudomiyuhu. Waxaa kaloo uu Halgame Cabdinasir ku booriyay xubnaha Jaaliyada inay u diyaar garoobaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen isbadalladan siyaasadeed ee maanta ka jira gudaha & dibadaba.

Shirku wuxuu u  socday si habsami ah waxaana lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha hogaanka arimaha bulshada ee jaaliyada mudane Maxamed Nuur (Maxamed Yare) wuxuu xubnaha ku adkeeyay in si hagar la’aan ah looga qaybqaato kacdoonkan ka dhanka Gumaysiga ee wadanka kasocda.

Ugu dambayntii shirku wuxuu ku soo dhamaaday jawi aad u fiican  waxaana halkaa Lagu soo gunaanaday duco aad u qiimo badnayd.

Cabdiraxman Shekh

Winnipeg-Canada

can5

can4

can3

can2

can1

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay