War rasmi ah oon ka helay ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in duuliye sare Abiyot Mangudhay oo ahaan duliyihii lagalay wadanka Djibouti dayaarada nooceeduyahay Helicapter IM5 2005-tii oo ay kadib Djibouti u soo gacan galisay dawlada Woyanaha uu ku biiray Jabhada Gimbot 7 Arbanjooj.

Duuliye sare Abiyot Mangudhay waxa u xabsiga Itoobiya ku  xidhnaa 10 sano oo u dhawaan kasoo baxsaday jeelka. Duuliye sare Abiyot waxa u go’aansaday inuu xukuumada Woyaanah ee shacabiga Itoobiya afduubka ku haysata u la dagaalamo isla markaana u kubiiro jabhada hubaysan ee Gibot 7 Arbanyoj.

Waxaa xasuusin mudan inay in kabadan 4 duliiye ay Itoobiya ka goosteen mudo sanad ah. Xiligan ayaa waxaa Itoobiya kasocda dagaalo faro badan iyo kacdoon shacbi ah ooy Itoobiya u maaro la’dahay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay