Waxaa kulan xaga khadka isgaadhsiinta ah ku dhexmaray Xubnaha Jaaliyada Somalida Ogadenya ee ku dhaqan wadanka Switzerland iyo Mamuuliin Kamid ah Golaha Fulinta ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO).

Kulankan oo dhawr saac socday ayay Masuuliinta Golaha Fulintu la wadaageen warbixino kusaabsan go’aamadii  kasoo baxay shirkii Golaha Fulinta ee JWXO ay ku yeesheen bishan horaanteedii magaalada Stockholm ee caasimada wadanka Sweden.

Masuuliyiinta shirkaasi warbixinada ka soo jeediyay ayaa waxay kala ahaayeen. Gudoomiyaha hogaanka warfaafinta Mudane Hassan Macalin G/xigeeynka Hogaanka warfaafinta Mudane M Ali

Dhinaca kale madaxda iyo xubnaha Jaaliyada Swiss-ka ayaa dhankooda su’aalo lawadaagay madaxdii kasoo qaybgashay kulankan. Su’aalahaas oo si waafi ah ay masuuliintu uga jawaabeen ayay xubnaha Jaaliyadu aad ugu diirsadeen warbinadii kala duwanaa ee lagu soo bandhigay kulankan.

Shirkan ayaa waxaa lagu soo gunaanaday jawi aad u wanaagsan oo lagu kala faa’iidaystay warbixinadii iyo macluumaadkii kala duwanaa ee lagu soo bandhigay. Waxaana laysku afgartay in sida ugu dhakhsaha badan loo hirgaliyo go’aamadii kasoo baxay shirkii Golaha Fulinta ee Sweden.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay