Hogaamiyaha Turkiga, Rajab Dhayib Ardogan ayaa uga digay wadanka Raashiya inuu la kulmayo cawaaqib xumo kaddib markii uu ku eedeeyay in mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee dalka Ruushka laga leeyahay ay mar kale kusoo xadgudubtay hawada dalka Turkiga.

Xukuumadda Anqara ayaa sheegtay in arrintan ay dhacday Jumcihii, waxa ayna sidoo kale sheegeen in duuliyaha Ruushka digniin horudhac ah loogu sheegay luuqadaha Ingariiska iyo Ruushka.

Ruushka ayaa eedeyntan ku tilmaamay mid aanan jirin, laakiin NATO ayaa ugu baaqaday Moscow inay xurmayso hawada sare ee dalalka xubnaha ka ah isbaheysiga NATO.

Bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay 2015 wadanka Turkiga ayaa soo riday diyaarad dagaal oo laga leeyahay wadanka Raashiya, iyagoo sheegay inay kusoo xadgudubtay hawada sare ee dalka Turkiga, arrintaasoo markii dambe isu badashay dhibaato diblumaasiyadeed taasoo Ruushku cunaqabatayn dhanka dhaqaalaha ah uu kusoo rogay wadanka Turkiga.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay