Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdqaadir Sheekh Cali Diini iyo Danjiraha wadanka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Amb Harriet Mathews, ayaa maanta xarunta safaaradda UK ee magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis wax wada qabsi ah oo dhanka Amniga ku saabsan.

Saxiixa heshiiska kadib, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in heshiiskani uu wax badan u tarayo labada dal isla markaana ka caawinayo inay iska kaashadaan la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah dalka Soomaaliya, Gobolka iyo Caalamka guud ahaantii.

“Heshiiskan wuxuu Soomaaliya ka caawin doonaa in awood ay u hesho dhismaha Hay’adaha ammaanka iyo sidoo kale in labada dalka ay yeeshaan wada shaqayn dhow oo la xidhiidha Amniga, si,aan uga guuleysano kooxaha xagjiriinta ah ee dhibatada ku haya dalkeena.” ayuu yidhi Wasiir Diini.

Wasiir Diini, ayaa tilmaamay in UK kaliya aysan ka qeyb qaadan xaqiijinta amaanka, balse ay Soomaaliya ka taageeraan arrimo badan oo kamid yihiin Siyaasadda iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida.

Safiirka Britain u fadhida Soomaaliya Harriet Mathews, ayaa dhankeeda sheegtay in markasta la garab istaagayaan Dawladda Soomaaliya taageero dhinac walba leh, gaar ahaan xasilinta dalka, waxay u rajaysay dawladda Soomaaliya inay ku guulaysan doonto qorshaha horumarinta dalka.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay