Gudoomiyaha JWXO Admiral Mohamed Cumar Cismaan ayaa kulan laqaatay maamulka Jaaliyada iyo Ururka OYSU ee dalka Germany. Gudoomiyaha ayaa maamulka Jaaliyada warbixin kasiiyay guud ahaan xaalada halganku marayo iyo marxaladan maanta lagu jiro.

Mar uu kahadlayey xaalada  halganku marayo ayuu gudoomiyuhu sheegey ” inn halganka JWXO hogaaminayso maanta meel fiican uu marayo ciidan ahaan iyo taageerada bulshada Xornima doonka ah ay la garab taagan yihiin”.
Waxaa kaloo uu ka hadlay Gudomiyuhu waxyaabihii kasoo baxay shirkii Gudiga Fulinta ee kadhacay Sweden bishan horaanteedii, ayaa gudomiyuhu wuxuu sheegey inay kasoo bexeen qodobo dhaxalgal ah ooy kamid ahaayeen in laxoojiyo lana dardar galiyo barnaamijyada saldhigga u ah halganka dal iyo dibadba isagoo xusay in dhaqaalaha soo gala Jaaliyaadka loona weeciyo 100% gudaha.

Dhinacakale mar uu hadlayay xaalada Guumaysiga ayuu sheegay gudoomiyuhu inay jiraan kacdoomo kajira gudaha Itoobiya. Ciidamada wayaanaha ayaa ka gaystay xasuuq baahan ooy kula kaceeyn Shacabkii kacdoomada waday, kaasoo keenay kala shaki kuyimid maamulka wayaanaha. Gudoomiyaha ayaa sheegay in loo diyaar garoobo isbadal kasta xaaladahan qasan ee Itoobiya ka soo cusboonaaday. In la xoojiyo kacdoonka shacabka Oromia ay hogaaminayso ee ku fiday dhamaan Qawmiyadaha kale.
Mar uu gudoomiyihu ka hadlayay isbahaysiga midawga Jabhadaha cusub ee JWXO qaybta katahay
iyo in gacan lasiiyo dareenka Guumaysi diidka ah ee xiligan kadhex abuurmay Shacabka Jamhuriyada Soomaaliya.

Waxaa kaloo uu gudomiyuhu isdul taagey inay aad muhiim utahay in laxoojiyo ururnimada, tixgalinta iyo talagalinta hogaamada laguna dhaqmo Xeerka inoo yaala si looga badbaado nidaam darada iyo waxyaabaha qabiilka salka kuhaya ee ay soomaalidu sharciga  kadhigatey, saamayna uusan inoogu yeelan.

Ugu danbayntii ayay Xubnu soo jeediyeen Talooyin iyo su,aalo ay jeclaystayn inay ka ogaadaan marxalada siyaasadeed ee uu halganku marayo. Kuwaas oo uu gudoomiyuhu kaqanciyay xubnihii su’aalaha qabay.

Shirkan ayaa ku soo dhamaaday farxad iyo isfahan aad u heer sareeya

IMG_0734 IMG_0735 IMG_0736 IMG_0737 IMG_0738 IMG_0739 IMG_0740 IMG_0741

Maxamed Carab Mukhtar

ONA/ Germany

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay