Dallada Ururka Haweenka Somalida Ogadenia (UHO) ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London ayaa shir muhiim ah iskugu yimid Sabtidii shalayd ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 30/1/2016.

shirkan oo laga hadlayey arimo muhiim ah ayaa waxaa kamid ahaa ajecdihiisa dardar galinta waxqabadka iyo horumarinta hawlaha UHO-London ee sanadkan cusub 2016  iyo u diyaar garowga xuska maalinta Haweenka Aduunka oo sanad waliba laqabto 8-da Maarso.

Ururka UHO faraciisa UK ayaa hawlo badan oo muhiim ah ku talaabsaday sanadkii lasoo dhaafay. Guud ahaan urur waynaha Haweenka Ogadenya ayaa hal abuur iyo waxqabad lagu diirsaday kusoo kordhiyay Halganka Ogadenya.

Ururada bulshada ee Somalida Ogadenya sida OYSU iyo UHO ayaa kaalin muuqata ka qaatay hirgalinta qorsheyaasha kala duwan ee lagu xoojinayo Halganka Ogadenya.

ONA/London

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay