Wararka naga  soo gaadhaya Gobolka shabeelle ee wadanka Ogadenia ayaa ka warbixunaya dagaal culus oo loogu xoog sheegtay ciidanka wayaanaha ee sida sharci darada ah u jooga ciida daahirka ah ee Ogadenia.

Warkan oo uu nasoo gaadhsiiyay Wariyaha Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) uga soo warama Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa sheegaya in markay taariikhdu ahayd 29/1/2016 Tuulada Gudhis oo Dagmada Iimaybari ee Gobolka shabeelle
katirsan weerar culus oo Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia (CWXO) kuqaadeen
ciidanka gumaysiga Ethiopia oo fadhiisin halkaas kulahaa.

Dagaalkan ayaa loogu awood sheegtay ciidankii wayaanaha ahaa ee goobtaas ku sugnaa waxaana CWXO u suuragashay inay lawareegaan guud ahaan xeradii ciidanka cadawga halkaasoo ay kudileen 12 kamid ahaa askarta wayaanaha halka ay 18 kalana kaga dhaawaceen.

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay