Faalo: mid kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo aan ku kulanay xalfadii kadhacday magaalada Johannesburg ee wadanka K/Afrika ee shirwaynihii OYSU-SA ayaa igu yidhi

image

Ururka OYSU-SA ayaa kuqabtay magaalada Johannesburg shirwaynihiisii 6aad oo socday mudo laba maalmood ah oo aan kala joogsi lahayn

 3

maalintii 29 January 2016 waxay qabteen kulan ay kasoo qaybgaleen xunbo sarsare oo katirsan Ururka ANC (African National Congress) xubin aad tayo iyo garaad siyaasadeed leh ahna gudoomiyaha xaalda Mayfair ee Soomaalidu dagan tahay ayaa kalimad uu kasoo jeediyay waxay igu noqotay lama filaan waxaana kala garan waayay in aan ahay ruux aduunka joogay iyo in aan hada imaaday oo la iiga waramo xaalada wadankayga hooyo ee somaaliyeed markuu igu yidhi nin South African ah Halganka waa lawadaa haba dheeraadee loomana aaba yeelo in aad yartihiin iyo in aad badan tihiin sidoo kale lama kala saaro cadawgaaga marka uu tabar yaryahay iyo marka uu dhumuc leeyahay isku si baa loola dagaalaa haduu tabar yaryahayna waa laga xoogaa xaqaaga haduu tabar leeyahayna waa la wiiqaa anaga ANC ka ahaan waxaam kujirnaa dagaalkii aan dadkanaga ku abuuri lahayn wadaniyad siyaasadeed laakiin idinku waad nasiib badan tihiin Soomaali waa mid waadna badan tuhuun siyaasiyiina waad tihiin dad xirfad lehna wead tihiin inta Soomaali jirtana laydinma gumaysan karo.

2

waxaan is waydiiyay ayuu yidhi hadii dadka ajanabiga ah ku xisaabtamayaan in Soomaali walaalo tahay Ethiopia wal wal intee le eg ayay ka qabtaa jiritaanka Soomaaliyeed ? anigase maxaan u garan waayay waxa uu gartay ninka South African ka ah !?

anigoo taas maskaxdayda kasii guuxayso ayay maalintii xigtay jaaliyada Ogaadeeniya laanteeda JOHANNESBURG shir doorasha ah gashay waxayna ahaayeen sida aan la socdo ku isku khasbaya in ay danta guud ka hor mariyaan mida gaarka ah waxayna isku dhiiri galinayeen in ay soomaali u maqan yihiin arintaas oo markaan raga saaxiibada aanahay ee Ogaden kasoo jeeda ku kaftano aan i dhayalsan jiray ayaan xaqiiqo ahaan u qaatay wadaniyada iyo nataa hurtanimada kujirta dhalinta iyo wax garadka Ogaadeeniya waa nimco iyo hibo alle oo ka maqan Soomaalida kale

1

Cabdiraxmaanaw intaas oo maskaxdayda ka jawleh ayaan waraaq gidaar ku dhagan oo calaamada Ururka leh markaan arkay hoos u akhriyay waxaana ku arkay xalfad Majaajilo caawa ka dhacaya xaafada Soomaalidu dagantahay

Cabdaw waxan iswaydiiyay kaligaa baa shucuuraysan e say suura gal u tahay warbixintii OYSU ee dhibaatada dadka loogaysta ahayd qosol uga danbayn karaa ?

4

waxaan ka qaybgalay xalfadii waxaa aad iisoo jiitay Qudbadii Gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Faysal Cabdinaasir (Faysan Naftii Gade) oo runtii aanan wali arag siyaasui Soomaaliyeed oo sidaas u khudbadeeya waana raga rajadayda kor uqaaday een ogaaday in ay jiraan Soomaalida Alle garaad iyo Caqli siiyay cidna aan kala cabsoonayn runtana sheegaya

7

Intaas kadib meeshii aan qosolka sugaya haba la qoslo laakiin xigmad maldahan iyo sulxis ayaa gabay, Geeraar, Heeso iyo Dhaanto naloogu qaaday waxaana dib ugu foofay taariikhdii aan maqli jiray ee 1977 kii in aan kacaankii oo kale taagnahay

ugu danbayntii waxaan muqadinkan Soomaaliyeed waydiiyay waxa uu go,aansaday wuxuuna iigu Jawaabay

5

runtii waxaan ogaaday Soomaalida Ogaadeeniya in ay tahay Soomaalida dhabta ah waxaana sabab u ah maanta hadii ifka losoosaari lahaa Axmed Guray, Sayid Maxamed,  SYL iyo wadaniyiin badan oo qaana ay noolyihiin hase yeeshee ay tabar la,yihiin in ay xaalada Soomaali kusugan tahay kubiiri lahaayeen Ururka ONLF ee u taagan xoraynta dadka Soomaaliyeed ee lagumaysto

Siadaa daraadeed dhamaan imada Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa Soomaalida Ogaadeeniya waa ood dhacan ah oo Soomaali lagaga ooday waraabaha Cadaw dhiigyacab ah ayaa soo jabinaya waxaana geeska ka garaacaya geesiyaal aan baqin waxaan idinkula talinayaa waa dantiinee garab istaaha walaalihiina Soomaaliyeed ee cadawga ku gudnan

image

kuwa Gumaysiga uga kaalmeeya gudaha Ogaadeeniya iyo Soomaaliya dhexdeeda ee siyaasiyiinta sheegta waa Dhiig kunaaxyo danaystayaal ah

waxaan intaa kaxasuustaa sheekadii dheerayd ee nagu dhexmartay aniga iyo Muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool Mgaalada Johaneesburg kana qayb galay Shirwaynihii 6aad ee OYSU-SA bilaw ilaa dhamaad

 

ONA

C/raxmaan siciid

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay