Shirkii labada maalmood socday ee Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa laga soo saaray go’aan laxidhiidha ciidamadii lafilayey in loodiro dalka Burundi ee rabshaduhu kasocdaan.

Ururka AU ayaa horey u sheegay in ciidamo gaadhaya 5000 oo askari u diri doonaan magaalada Bujumbura ee caasimada dalka Burundi si ay uga shaqeeyaan nabadaynta magaaladaasi ooy xiisado ka taagnaayeen tan iyo bishii April ee sanadkii hore. Burundi ayaa horay u diiday inay ogolaato in dalkeeda la keeno ciidamo nabad illaalin ah oo ka socda AU, waxayna talaabadaasi ku sheegtay inay u arki doonto duulaan militari.

Axdiga u yaal dalalka xubnaha ka ah AU ayaa awood u siinaya ururka inuu ciidamo u diri karo mid kamid ah wadamada xubnaha ka ah hadii ay wadankaasi ka dhacaan danbiyo waaweyn sida xasuuqa iyo dambiyada dagaal. Balse wadamada Afrika ayaa hada muuqda inaysan doonayn inay ciidamo u diraan dalkaasi xili ay wali xukuumada Burundi kasoo horjeedo.

Madaxda AU ayaa ku heshiiyey in wafdi loodiro Bujumbura si ay dowlada Burundi ugala hadlaan arrinta ciidamada nabad illaalinta, wallow aan wax rajo wayn ah laga qabin in dowladaasi aqbasho in dalkeeda ciidamo lakeeno. Burundi ayaa bilihii lasoo dhaafay sidoo kale waday dadaal diblumaasiyadeed ooy uga dhaadhicinaysay qaar kamid ah wadamada Afrikaanka in dib looga noqdo go’aankii ururka Midowga Afrika.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo ka qeyb galay shirkii ka dhacay Addis Ababa ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidamo loodiro dalka Burundi, isagoo ku tilmaamay xaalada dalkaasi mid halis ah oo keeni karta dagaalo sokeeye oo lamid ah kuwii wadankaasi ka dhacay sanadkii 1993.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay