Qaramada Midoobay ayaa ka dalbatay dalka Masar inay sii dayso wiil yar oo Soomaali ah oo u xidhan muddo lix bilood ah. Wiilkan oo lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Aadan, da’diisuna ay tahay 17 jir ayaa Masar lagu xidhay, horaantii bishii 6aad ee sannadkii 2016.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan caruurta ee UNICEF ayaa lagu sheegay in wiilka yari dalkiisa uga soo qaxay amni darro awgeed. Waxaa la xaqiijiyay in Yaasiin uu dalkiisa hooyo ka qaxay markii malleeshiyada Al-Shabaab ay dishay walaalkii.

Warbixinta ayaa waxaa kaloo lagu xusay in Masar ay ku xidhan yihiin carruur qaxooti ah ooy tiradoodu gaadhayso 50,  kuwaasoo 25 kamid ah ay qaxooti ahaan u diwaaganshan yihiin.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay