Halgamayaal waxaan rabaa hadii Allah (SW) iwaafajiyo inaan ku falanqeeyo qoraalkan erayga mudadan danbe dadku aad u hadal hayaan kaas oo ah “Kacdoon” (Revolution) erayga kacdoon waa eray macnawayn ku leh eray bixinta ama terminology loo isticmaalo isbadalka bulshada ku yimaada, sidaan soo xusnay erayga kacdoon waa macnayaal badanyahay laakiin wuxuu yimaadaa kacdoonku marka uu xukun gumaysi yimaado kaas oo keeni kara: Cidhiidhi xaga Siyaasad ahaan, Dhaqaale ahaan, Dhaqan ahaan, Diin ahaan, Xadaarad ahaan, dhamaan dhinacyadaas oo idil ayu bulshada ka saameeyaa waxaana keena kacdoonka culays kagayimaada bulshada qodabadan aan kor ku so xusnay marka kadib bulshada waxay bilowda dhaqdhaqaaqyo isbadal doon oo ka dheex bilowda bulshada dhibku saameeyay laakiin waa hadii ay bulshadu ka midaysantahay nacaybka gumaysiga iyo hadii ay awood uledahay inay sameeyaan kacdoon.

Halgamayaal bulshada isbadal doonka ah inta badan waxaa ka horyimaada caqabado kaga yimaada nidaamka ay doonayaan inay iska badalaan bulshadaasi kaasi oo keena dhibaatooyin ay kamid yihiin Xasuuq, Bini’aadan oo isugu jira Dil, xadhig, kufsi iyo barakac balaadhan, kaas oo hada kajira wadamo badan oo caalamka ah sida Gobolka Oromiya iyo wadanka Ogadeniya, hadaba halgamayaal arimahan kacdoon wuxuu bulshada u keenaa faa’iido iyo khasare labadaba wuxuuna salka ku hayaa bulshada isbadalka doonaysa qabka ay tahay iyo siday u rabaan isbadalkooda, bulshooyinka qaar waxay kacdoonkooda ku raadiyaan xuquuq kali ah qaara xoriyad iyo madax banaani buuxda sida shacabka Ogadeniya iyo Oromiya, Tusale ahaan dunida waxaa ka dhacay isbadalo badan oo uu kacdoon horseed u yahay waxayna u kala dheceen qaabab kala gadisan,

midkastaana wuxuu ku yimid baahi bulshadu u qabto isbadal inay samayso, waxayna u badnaayeen kacdoonada dunida sida wayn u saameeyay kuwo ka dhacay wadamo waawayn oo dunida manta la yirahdo way ugu awood badanyihin, waxaana ka mid ah wadanka faransiiska.

KACDOONKII FARANSIISKA

Dunida aan ku jiro waxaa ka dhacay kacdoono bulsho oo ku salaysan arimaha aan kor ku soo xusnay waxaana kacdoonadaa ka mid ahaa wadanka France oo kacdonki bulsho ugu balaadhnaa ka dhacay Sanadki 1789 – 1799 (The French Revolution (1789–1799) was a period of radical social and political upheaval in both French and European history, The absolute monarchy that had ruled France for centuries collapsed within three years) Wuxuu ahaa kacdoonki bulsho ee aduunka ugu hawsha badnaa wadamada yurubiyaankana Taariikh aad u balaadhan ku lahaa kacdoonka France wuxuu salka ku hayay dhinacyo badan sida siyaasad iyo xadaarad ama (civilization) waxaana uu la magac baxay raadinta xaqa ninka (right of man ) oo macna ahaan ku salaysan in dadku xaqsiman yeeshaan iyo in la badalo boqortooyadii iyo nidaamkii xiligaas talin jiray, waxaana kacdoonka sida la qiyaasayo ku naf waayay dad tiradooda lagu qiyaasay ilaa 16000 ilaa 40,000 oo qof wuxuuna ahaa kacdoonada ugu dhiga qubashada badnaa ee bulsho samayso kii ugu xumaa, waxaa burburay hanti dhaqaale iyo guryo aad u tira badan wuxuu saamayn ku yeeshay dunida qayba kamid ah gaar ahan wadamada yurubiyanka.

Halgamayaal lasocda maqaalkan qaybihiisa danbe oo aad umacaan insha allaah.
W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Libanmiyir@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay