Jaaliyada soomaalida ogaadeeniya ee magaalada Edmonton ayaa shirkeedii bilaha ahaa isugu timid,waxaana shirka Lagu furay sidii caadada ahayd wacdi diini ah oo ka hadlayey sidii umadeena loo midayn lahaa hal meela cadowga looga soo wada jeedsan lahaa.

Shirkan oo ka duwanaa shirarkii hore watayna barnaamijyo wax ku ool ah ayaa waxaa Lagu daah furay heesta calanka ogaadeeniya ,waxaana sidoo kale Lagu marti qaaday dhamaan warbaahinta soomaalida ogaadeeniya ee ka hawl gala wadanka Canada.

Gudoomiyaha jaaliyada Edmonton oo shirkan gudoominayey ayaa wuxuu soo bandhigay ujeedada shirkan iyo ajendayaasha hor yaala jaaliyada ee in la fuliyo u baahan wuxuuna u kala qaaday laba qaybood,ta hore wuxuu ku tilmaamay in qorsha sanadeedka hogaanka abaabulka iyo jaaliyadaha oo ah in aan samayno abaabul badan oo  bulshadeena dhexdeeda in aan siday tahay u qaadano ayna fuliyaan ururadeena arimaha bulshada sida ururka dhalinyarada,haweenka,culumaa’udiintka,aqoonyahanka iyo wax garadka soomaalida ogaadeeniya .

Mida kale wuxuu carabka ku dhuftay gudoomiyuhu in hawl balaadhan oo xafiiska jaaliyada uu qabanayo ay inoo talo ayuu yiri , waxaa kaloo halkaa warbixin ka soo jeediyey isuduwaha jaaliyadaha Canada mudane c/xakiim maxamed weli.

Dhinaca xafiiska waxaa jirta in jaaliyadu ay qabanayso munasabad loogu magac daray bisha dadka madow ee Canada oo loo yaqaano bishan February ayna noqon doonaan jaaliyadii madow ah ee ugu horaysay ee u dabaal degta (black history in Canada) iyagoona ugu magac daray (First Annual social justice forum) Lana qaban doono laba maalmood oo isku xigta

Hadaba munaasabadan waxaa loo xilsaaray gudi uu hogaaminaayo madaxa xafiiska jaaliyada mudane cabdi cali xirsi  oo magaceeda la yiraahdo Ogaden Somali community of Alberta residents (OSCAR) , isuduwaha qabanqaabada munaasabadan mudane Axmed Yasiin c/qaadir qaasim iyo Dr Maxamuud Ugaas..

Waxay si wada jir ah madashii shirka uga wada akhriyeen hawshii loo xilsaaray meesha ay marayso waxay sheegeen in ay ka soo qayb galayaan sadexda qaybood ee dawlada taas oo kal ah xubno ka socda dawlada federaalka Canada ,xubno ka socda dawlad goboleedka alberta iyo xubno ka socda dawlada hoose ee magaalada Edmonton ,waxaa kaloo kaasoo qayb galaya xubno ka socda sadexda xisbi ee ugu waaweyn dalka Canada oo kala ah liberal party,NDP iyo consecutive party.

Hadaba labadan munaasabadood ta hore waxay dhacaysaa feb 12/2016 oo Lagu qabandoono cityhoolka waxaana furi doona duqa magaalada Edmonton honourable Don Iverson.

Munaasabada labaadna waxaa laqaban doonaa feb 13/2016 waxay ka dhici doontaa NAIT College waxaana furi doona wasiir  heer federal ah wasiika jaaliyadaha iyo qaabdhismeedka mudane Amarjeet sohi .

Waxaa kaloo ka soo qayb galaya jaaliyadaha soomaaliyeed oo dhan,sidoo kale wafti ay hogaaminayso foosiya c/qaadir qaasim Ogaden human right,sadex professor oo laba ka imanayso jaamacada Alberta ( university of Alberta) iyo professor Axmed Hussein warsame  oo ah gudoomiyaha jaamacada Dhaqaalaha ee magaaladaCalgary

oo soomaali ah ,munaasabadan dadka ka soo qayb galaya lama soo Koobi karo.

Ugu dambayntii shirkan oo ahaa mid aad u xiiso badan waxaa la isku gaadhay ilaa iyo waqti dambe oo habeen badh ku dhawaa ,dood dheer kadib waxaa kaloo halkaa Lagu ansaxiyey xeer hoosaadkii jaaliyada oo dibuhabayn Lagu sameeyey.

Isku soo wada duuboo shirkani wuxuu ku soo dhamaaday jawi aad u fiican,xafladan waxaa si toos ah idiinku soo gudbin doonta warbaahinta soomaalida ogaadeeniya ee ka hawl gasha wadanka Canada

ONA

C/raxmaan Sheekh

cA5CA8cA7cA4cA2cA3CA1cA6

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay