Dalka Cuba oo dhawaan laga qaaday xayiraadii uu saaray Maraykanka ayaa dadaal ugu jira siduu uu u dhisi lahaa xidhiidhka uu laleeyahay dalalka reer Galbeedka gaar ahaan wadamada Yurub.

Madaxweynaha Faransiiska Hollande ayaa isagu noqday hogaamiyihii ugu horeeyey ee reer Galbeedka ah oo booqda dalka Cuba sanadkii lasoo dhaafay. Raul Castro oo xalay Qasriga Madaxtooyada loogu sameeyey casho soo dhaweyn ah ayaa sheegay in labada dal ay iska kaashan doonaan dhanka ganacsiga iyo isdhexgalka bulshada.

Dowlada Faransiiska ayaa noqotay xukuumadii ugu horeysay ee reer Yurub ah oo durbaba si toos ah xidhiidh ulla samaysata dalalka Cuba iyo IRAN oo dhawaan cunaqabateynta caalamiga ah laga qaaday. Isla todobaadkan ayuu Madaxweynaha Iran Xassan Roxani booqasho ku yimid magaalada Paris.

Faransiiska ayaa dadaal xoogleh ugu jirta sidii shirkadaha wadankaasi laga leeyahay ay kaalin weyn uga qaadan lahaayeen ganacsiga wadamadaasi xayiraada laga qaaday.

ONA

 

 

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay