Maraykanka ayaa soo bandhigay Miisaaniyada militariga Maraykanka ku bixin doono sanadka soo socda ee 2017.

Xoghayaha Gaashaandhiga ee Maraykanka Ashton Carter oo shalay soo bandhigay miisaaniyada Wasaaradiisa ayaa sheegay in militariga Maraykanka u baahan yahay dhaqaale gaaraya 582 Bilyan oo Dollar guud ahaan, 7.5 Bilyan oo kamid ah lacagtaasina ku bixin doonaan la dagaalanka kooxda Daacish.

Qorshaha sanadka 2017 ee Petagon ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Maraykanka uu 4 jibaari doono ciidamada kajooga bariga qaarada Yurub iyo Aasiya, si uu awoodiisa militari u dul dhigo dalalka ay khatarta uga imaan karto sida Ruushka, China iyo Kuuriyada Waqooyi.

Dhanka Bariga Dhexe ayuu sheegay Carter in khatarta ugu wayn ay tahay Daacish ooy doonayaan inay burburiyaan. Miisaaniyada cusub ee Militariga Maraykanka ayaa waxaa sidoo kale soo dhaweeyey Isbaheysiga NATO oo dhaqaalhoodu kuxidhan yahay 72% dhanka Maraykanka.

Baarlamaanka Maraykanka ayaa ka doodaya ansixinta miisaaniyada Militariga Maraykanka oo ah tan Adduunka ugu badan, waxayna miisaniyadan ka badan tahay isugayn miisaaniyada 10ka wadan ee kusoo xiga Maraykanka dhanka awooda militariga.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay