Caasimada Dalka Nigeria ee Lagos ayaa caan ku ah gawaadhida qaaliga ah ee u badan kuwa raaxada. Waxaa magaalada ku yaalla goobo badan oo lagu iibiyo gawaadhida noocaasi ah, balse bilihii dambe waxaa hoos u dhacay iibka baabuurtaas.

Sababta ugu wayn ee keentay hoos u dhaca iibsiga baabuurtan ayaa ah qiimaha shidaalka ee dhulka sii galaya. In kastoo shidaalka uu u dhigmo boqolkiiba 15 dakhliga dhaqaalaha Nigeria, ayaa hadda waxa uu saamayn wayn ku leeyahay Nigeria.

Xukuumada Nigeria oo xukunka qabsatay sanadkii lasoo dhaafay ayaa isku dayaysa inay kala shaandhayn ku samyso ilaheeda dhaqaalaha. Waxay rabtaa inay maalgashi ku samayso warshadaha, korontada, wadooyinka iyo buundooyinka si dhaqaalaha dalka uu u kobco. Balse lacagta ay ka hesho shidaalka ayay u adeegsan kartaa hormarkaasi oo dhan.

Malaayiin qof oo Nigerian ah ayaa ku nool xaalad saboolnimo ah, waxaana dalkaasi sanad waliba shaqo raadis ah in ka badan 2 milyan oo dhalinyaro ah. Taasi ayaa ah digniin culus. Nigeria oo dhaqaalo badan kasoo gali jiray iibinta shidaalka ayaa hadda waxaa si ba’an u saameeyay qiima dhaca ku yimid suuqyada shidaalka ee caalamiga ah.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay