Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Jeffrey D. Feltman ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya.

Feltman ayaa weriyeyaasha u sheegay in Qaramada Midoobay ay soo dhawaynayso isla markaana taageersan tahay go’aankii dhowaan lagasoo saaray nooca doorashada ee sannadkan ka dhici doonta dalka Somaliya.

Waxa uu sidoo kale Muqdisho kula kulmay madaxda dawladda Soomaaliya, ooy ka mid yihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay