Xarun lagu sameeyo korontada qoraxda ee adduunka ugu wayn ayaa si rasmi ah looga furay wadanka Maqrib (Morocco). Munaasabada furitaanka Xruntan ayaa waxaa xadhiga ka jaray Boqorka wadanka Maqrib Boqor Maxamad ka 6aad.

Xaruntan oo ku taala saxaraha Koonfur-Bari ee magaalada Casabalanca ayaa soo saari doonta shan boqol oo megawatts markii la wada dhamaystiro. Waxaa loogu talagalay inay kaydiso tamarta markii aysan qoraxda jirin.

Waxay kugu qaadanaysaa laba saac inaad ku dhex socotid Xarunta dhexdeeda oo ka kooban nus milyan muraayado qoraxda soo jiita si uu tamar u sii gudbiya mashiino tamarta gudbiya.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay