Ahmet Davutoglu, Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, ayaa waxa uu sheegay in 15 kun oo qof ay hadda iskugu tageen xuduudda dalkaasi, kuwaasoo ka soo qaxaya duqeynta dawlada ee kala joogsiga lahayn. Weli qaxootiga looma ogolaan inay xuduudda ka gudbaan.

Laakiin shaqaalaha gargaarka ee Turkiga, waxay u gudbeen dhanka dalka Suuriya si ay u caawiyaan qaxootiga. Dadkan waxay kasoo qaxayaan duqeynta ciidanka Suuriya oo garab kahelaya Ruushka, ay usii sikanayaan dhanka Waqooyiga ee magaalada Xalab.

Raiisul wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu, ayaa sheegay in la filayo in tirada qaxootigu ay intaas kasii badato. NATO waxay Ruushka ku eedeysay inay wiiqayso dadaallada nabadda ee Suuriya oo ay duqeynta weli sii wado, taasoo ay ku sheegeen in lala eeganayo kooxaha mucaaradka.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Washington, Xoghaya Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, John Kerry, waxa uu Ruushka ku eedeeyay sii wadidda duqeymaha ku wajahan Shacabka Suuriya.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay