Sow lama odhan marka uu qofka jiran aqoonsado inuu jiranyahay oo cudurka haya uu garto ayuu caafimaadkiisu bilowdaa? Sidoo kale, marka aan garanay sababaha aan ugu hadhnay gunnimada sow inoo gudbin-mayso in aan aqoonsano wadadii aan u mari lahayn xoriyadda?

 

Halgamaaga reer Ogadenya wuxuu ku faanaa inuu soo halgamayay hal qarni in ka badan, waxaase midaa garab socota in looga dhigo boog aan bogsoonin oo qofkii doonaaba uu ka danqiyo isagoo odhanaya – boqol sano ayaad qori la ordayseene maxaad ku keenteen!!

 Labadaa odhaah oo midna muujinaysa taariikhda uu ku abtirsido halgamaag, tan kalena muujinaysa is-dhariijintii gumaysiga, waxay la mid tahay jawaabta ay ka dhiibteen 2ba qof oo koob biya ku jiraan la yidhi tilmaama ee midkood yidhi koobka in baa ka dhiman, kii kalena yidhi koobka in baa ku jirta. Labaduba waa saxsanyihiin, waxayse culimada ku kala tilmaamaan 2daa qof inuu midna guul arag yahay midka kalena guuladarada un arko.

 Marka laga reebo diidmada joogtada ah ee shacabkeenu uu diiday inuu isu-dhiibo gumaysiga, halganadii hubaysnaa ee gobanimadoonka ahaa ee ka horeeyay halganka JWXO, ugu badnaan shan sano umbay ku sugnaan jireen goobta dagaalka.  Taariikh halganeedka shacabka Ogadenya ee waayadii hore waxaa lagu xusuusan karaa iney wada mareen maraaxil isku mid ah oo cinwaan ahaan lagu soo ururin karo; 

1-     marxalada dhismaha iyo abaabulka.

2-     marxalada halganka hubaysan.

3-     marxalada Shiiqidda iyo kala tagga.

 Halgankii Daraawiishta inkastoo uu ka halgamayay dhamaan dalka Somaliya lana dagaalamayay 3exdii cadaw ee u heshiiyay umadda Somaliyeed ee kala ahaa Ingriiska, Talyaaniga, iyo Xabashada, wuu ka duwanaa oo 21 sano ayuu soo jiitamayay.

 Su’aasha uu qofkastoo caqli leh isweydiin karo waxay tahay maxaa sabab u ah halganadii hore inay sidaa dhaqsaha leh u shiiqaan iyagoon gaarin hadafkii loo dhaartay? Ururada gobanimadoonka ah waxyaabaha lagu qiimeeyo waxaa ugu horeeya inuusan ka bixin goobta halganka isagoon gaadhin hadafkuu lahaa. Waa inuu ururka halgamaya leeyahay istraatiijiyo cad oo ku salaysan inuu waqtiga marwalba la jiro qofka xaqqa ku taagan, sidaa darteed ayuu gumaysigu wuxuu ku dadaalaa marwalba inuu muddo gaaban ku soo afjaro halganka. Qofka halgamaya markuu isweydiiyo su’aasha ah –maxaan ku dhiman- waa inuu helaa jawaab damiirkiisa qancisa. Sidaa darteed, ayay durbaba niyadda uga jabtaa ciidanka uu gumaystaha soo qafaalo ee lagu soo abaabulay shufta yar oo meel isku urursatay ayaad soo kala ceyrinaysaan ka dibna waa la’idin soo celin idinkoo wata wixii aad ka soo boobteen dadweynahood.

 Halgan gobanimadoon inuu ku sugnaado hadafkiisa waxay ku iman kartaa un inuu ururkaasi u gudbiyo fikirkiisa iyo hadafkii loo asaasay jiilka soo kacaya, taas umbaana keeni karta in jiritaanka ururkaasi uusan ku xidhnaanin cimriga yaree ay noolyihiin facaadii curisay ururka.

Waxaa dacalada caalamka laga daawanayaa maalmahan banaabaxyadii lagaga soo horjeeday gumaysiga Itobiya ee dhalinyarada ay hogaaminayeen. Waxaynu horey u soo  daawanay cajalado laga keenay gudaha oo naftiihuraha loo dhamays tiray hubkii uu ciidan ku dagaal gali lahaa oo markii la weydiiyay da’diisa sheegay inuu yahay 18jir, 2ba sanana ka tirsanaa CWXO. Waxaa hubaal ah qofka la socda isbadaladaa inuu ku farxi isla marahaantaana uu yaqiinsan guusha inay gacantanada ku jirto, sababtoo ah wiilasheenii iyo gabdhaheenii dhashay markii ay xabadda nugu bilaabeen Wayaanaha ayaa maanta inagoon is-dhiibin siduu filayay halgankii iyo qorigiiba qaaday.

Qofka daawada dhalinyaro reer Ogadenya ah oo ku dhashay dalalka Yurub oo iyagoon arag dalkooda hooyo ama aan ku soo ciyaarin golay ciidda Ogadenya oon ku soo dabbaalanin wabiyada iyo baliyada Ogadenya oo hadana alifay riwaayadii aan daawanay ay ugu wan-qaleen (Cariga anigaa iska leh isticmaarna ma ogole) wuxuu xaqiiqsanayaa in qadiyadeenii uu gumaystaha doonayay inuusan caalamka ogaanin waligeed oy ahaato un muran xuduudeed ka dhexeeya somaliya iyo itobiya inay maanta u keceen kumanaan dhalinyara ah oo aqoon leh diyaarna u ah inay isgarab taagaan naftiihuraha jiida hore, sida ay muujiyeen Ururka Dhalinyarada iyo ardayda Ogadenya (OYSU).

Waxay kooxdan budhcadda ah ee xukunka Itobiya qabsatay iska dhaadhiciyeen in JWXO aanay ka duwanayn kuwii ka horeeyey. Kuwaasoo iyagoo haysta taageerada xukuumadii Somaliya wadi kari waayey halganka 5-sano wax ka badan. Waxay iska dhaadhicyeen in naftood hurayaasha CWXO aysan u adkaysan karin dhibka uu halgan gobanimadoon leeyahay oo marka ay 2 ama 3ex sano u gagsadaan gaajada iyo oonka iyo rafaadka loo maro xoriyadda, ay kala yaaci doonaan. Waxaa Wayaanaha dhagaha loogu shubay in dadweynaha Ogadenya oo xoola dhaqato reer guuraa ah aanay lahayn wadiniyad oo neefkooda xoolaha ah uu kala qiima badan yahay xoriyadda ay doonayaan. Waxaa lagu yidhi naftiihuraha dhex jooga gaajo ayuu ugu ag dhiman ka dibna iyagaaba kala yaaci. Waxaa lagu yidhi dadku waa dadkii, way gumaysi neceb yihiin, ilowse dhibaatada halganka uma gagsan karaan xoriyaddana uma huraan koob biya ah. Waxaa hubaal ah inuu Wayaanihii hadda yaaban yahay oo kuwii beentaa u sheegay uu qaarkood ka aargoostay kuwana jeelasha ugu jiraan.

 Maxaa isbadaly, ileen dadku waa dadkeeniiye? Jawaabta oo kooban, waxaa isbadalay tashiga, fikirka iyo aqoonta gobanimadoonka. Wuxuu shacabkeenu ku qancay halku-dhigyada JWXO ee ah – Isku-tashi iyo Mintidnimo in dalka lagu xoreeyo. Waxaa la ogaaday urur gobanimadoon ah oo masiirka qadiyadiisa aan u madaxbanaanayn inuusan guul gaari karin. Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogadenya oo ah tiirka udub-dhexaadka u ah halgankeena wuxuu diiday taageero shisheeye oo danta JWXO dhaafsan, wuxuuna aaminay in khayraadka dalkiisa yaala uu ku xoreeyo wadankiisa.

 Talada ciidankeena iyo midka siyaasaddaba waxaa maanta gacanta ku haya hogaamiyayaal u dhaartay inaysan qadiyadeena dib ugu noqon goobtii shalay laga soo hayaamay, gunaanadka halganka JWXO waa xoriyadda Ogadenya.

 ONA.   

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay