mudaharaadkii Jaliyaadka Somalida Ogadeniya ay kala hortageen KLT Melz Zenawi oo mar kale dib uga biloowday saaka magaalada Oslo.

waxa hada ka socda magalada Oslo ee xarunta dalka Norway mudaharaad balaadhan oo ay soo qaban qabiyeen jaliyaadka Soomalida Ogadeniya ee Qaarada Yurub. mudaharaadkan oo biloowday saaka subaxnimada ayaa waxa uu socda sidii loogu tala galay waxaana soo buux dhaafiyay madasha mudaharaadka banbaxayaal aad uga cadhaysan dhiigyacab Mels Zenawi oo ku caan baxay gumaadka shacabak Somaalida Ogadeniya, waxa sidoo kale ka soo qayb galay mudaharaadka dhamaan shacabka soomaliyed ee ku nool dalka Norway & Qowmiyadaha kale ee ku hoos nool xukumada KLT Mels Zenawi. banaanbaxan oo daba socda kii xalay lagu qabtay isla Hotelka uu ka daganyahay Oslo KlT Zenawi ayaa hada waxa uu maraya heerkii ugu wanaagsana ayadoo ay Saxaafada dalka Norway iyo kuwa caalamiga ahba ay soo bux dhaafiyeen madasha uu ka socdo mudaharaadku waxayna waraysiyo kala duwan ay saxaafadu la yeelanaysa xiligan xaaliga ah qaar ka mid ah Dhalinyarada Jaaliyaadka Somalida Ogadeniya & Ururka Dhalinyarada xubno jaaliyaadka ka socda oo horay loogu sii diyaariyay inay la hadalaan saxaafada caalamka.

mudaharadkan oo xamasadiisu aad u sarayso aya waxa la dhihi kara wuu ka duwanyahay kuwii hore marka loo eego dhinaca Nidaamka iyo halku dhagyada waxayna bananbaxayaashu ku qaylinayaan erayo ka dhan ah Zenawi iyo xukuumadiisa.

kala soco wararkana danbe wixii ku soo kordha mudaharaadka iyo Sawirada Mudaharaadka

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay