Gumaysiga madaw ee itobiya waxaa uu shacabka Somalida Ogadeniya marsiiyay ciqaab iyo xanuuno ay kamid yihiin in ay la wareegeen hatidoodii, adoomaysteen dadkeenii, duleeyeen waxgaradkeenii, xaqireen dadnimadeenii, la dagaalameen dhaqankeenii iyo sooyaalkeenii, taasoo umadeena baday ciil, caloolyow iyo cuduro maskaxeedba, bulsho walba oo dunidan guudkeeda ku nool mashaakiladii nololeed ee ay soo martay waxaa ka saaray halyeeyo maskax iyo muruqba u huray kuwaas oo u dulqaatay u samray u silcay u saamalaylay u dhintay in dadkooda iyo dalkooda ay ka xoreeyaan gumaysiga Abasiniya, umada Soomaalida Ogadeniya waxay ahayd umadaha fara ku tiriska ah ee iska cabin kala hortagay gumaysiga itobiya, halgamadii tirada badnaa ee ay geesiyaal Soomaaliyeed oo gobanimadoon ah kula dirireen gumaystayaasha way badnaayeen, hasa yeeshee waxaa ugu caansanaa halgamadiii ay hormuudka u kala ahaayeen Ahmed Gurey, Daraawiishtii uu hormuudka u ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xassan iyo dhalinyaradii SYL iyo halganka hada socda ee ay hogaaminayso jabhada ONLF.

Halgamayaal 4taas halgan waxaa ku baxay dhidid, dhiig, hanti, xikmad iyo wax walba oo qiimo badan, waxaa lagu qaaday gumaystayaasha dagaalo isugu jira mid dirir ah, mid suugaanaysan iyo mid siyaasadaysan taasoo salkeedu ahaa hadana yahay mabda’a ku suntan Xornimo, halgankii mujaahidiinta Daraawiishtu wuxuu socday mudo ku siman 21 sano kii SYL mudo 17 sano ah kii Ahmed guray isaga taariikh cayiman lagama hayo ilaa qiyaas mooyee kan ONLF wuxuu hada marayaa 32sano, waxaas oo dhib ah waxaa loo maray loona marayaa helitaanka wadanka Ogadeniya oo muuq iyo maanba ka xor ah gumaysi cadaan iyo madowba oo u xor ah masiirkiisa, maamul khayraad iyo habnololeedkiisa dawladnimo, libintii ay gaadheen halyeeyadii soomaaliyeed ee dagaalkii 1977 waxaa ay ahayd mid wadatay qiiro maxabo iyo farxad lakin wuxuu noqday halgankaasi mid aan gobonimada Ogadeniya lagu gaadhin.

Halgamayaal helida gobonimada wadanka Ogadeniya waxaa ushihiiday kumanaan halyey oo qaali ah, waxaa asay u qaaday kumanaan gabdhood, waxaa u gablamay kumanaan hooyo, waxaa u barakacay kumanaan qoys, waxaa u dhaawacmay kumanaan ruux, waxaa xabsiyada ugu jira kumanaan wadani oo isugu jira Odayaal, gabdho, hooyooyin iyo dhalinyaro dayar ah, dhulkeeni Ogadeniya waxaa qul-qula dhiiga shacabkeena iyo Naftood’ hurayaasheena, waxaan umada Ogadeniya leeyahay:
(Gobonimadu waa geed” hadhwayn oo ku baxa dhiiga wadaniga).

OGADENIYA GUUL IYO GOBONIMO INSHA ALLAAH

W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Libanmiyir@gmail.co

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay