Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay Isniintii dhowr weerar cirka ah oo lagu qaaday isbitaalo iyo iskuulo waqooyiga Suuriya iyadoo sheegtay inay dishay ku dhawaad konton qof.

Saddex isbitaal ayaa ku burburay weerarka. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon ayaa ku tilmaamay jabin sharciga caalamiga.

Maraykanka ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka oo lagu eedeynayo Ruushka. Hayadda gargaarka caafimaadka ee MSF, ayaa sheegtay mid ka mid ah isbitaalkeeda oo ku yaala gobolka Idlib in si ogaan ah loo weeraray. laakiin diblomaasi reer Suuriya ayaa sheegay in isbitaalka ay weerareen diyaaradaha Maraykanka.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay