ukuumada Kenya ayaa sheegtay inay  dhisi doonto xabsi gaar ah, oo loogu talo galay dadka-mayalka adag (Xag-jirka ah) iyo kuwa rabshadaha sameeya si aysan saamayn ugu yeelanin maxaabiista kale ee jeelasha kujira.

Madaxwaynaha Kenya ayaa sheegay inay dhisi doonaan xabsi cusub oo lagu hayn doono xagjiriinta iyo kuwa rabshadaha sameeya si’aan loogu ogolaanin ama fursad aysan u helin inay sumeeyaan dadka kale ee nugul ee Kenyanka ah.

Sida ay qortay Wakaalada Wararka ee Reuters, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad ay ku qalin jabinayeen qaar kamid ah ilaalada xabsiyada inkastoo uusan shaaca ka qaadin waqtiga rasmiga ah ee uu bilaaban doono dhismaha xabsigan uu shegay in loo dhisi doono dadka fikirka xag-jirka ah aaminsan.

Kooxaha hubaysan ayaa weeraro cul culus ku qaaday wadanka Kenya, waxaana kamid ahaa weerarkii lagu qaaday  Jaamacada Gaarisa oo in ka badan 100 qof oo u badan arday lagu dilay iyadoo sidoo kale dad Kenyan ah ay ku biireen kooxda Al-Shabaab.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay