Qarax wayn ayaa magaalo madaxda wadanka Turkiga ee Anqara ku dilay shan qof, toban kalena way ku dhaawacmeen siduu sheegay Gudoomiyaha magaalada oo lagu magacaabo Mehmet Kilicla.

Warfaafinta waddanka ayaa sheegaysa in qaraxa lala beegsaday baabuur milatari oo maraya meel u dhow Xarunta Baarlamaanka ee dalka Turkiga.

Telefishinka Turkiga ayaa laga arkay qiiq wayn oo madow oo hawada magaalada ka muuqday. Dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay ayay qaraxyo dhimasho iyo dhaawacba gaystay ay ka dheceen wadanka Turkiga.

Dadka siyaasada indho indheeya ayaa inta badan la xidhiidhiya qaraxyadan inay saamayn ku leedahay colaada ka taagan wadanka ay Turkiga dariska yihiin ee Suuriya.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay