Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska, David Cameron, ayaa isku diyaarinaya shir muhiim ah oo ka dhacaya magaalada Brussels ee caasimada wadanka Belgium, isagoo rajaynaya inuu heshiis lagalo hogaamiyayaasha labaatan iyo toddobada waddan ee kujira Midowga Yurub isbadalo muhiim ah oo ku saabsan xidhiidhka UK iyo Midowga Yurub mustaqbalka.

Mr. Cameron ayaa rajaynaya in guusha uu ka gaadho shirkan labada maalmood ay ka caawin doonto, inuu ka dhaadhiciyo dadka Ingiriiska inay taageeraan afti loo qaadi doono in UK ay kasii mid ahaato Midowga Yurub. Aftida ayaa laga yaabaa inay dhacdo bisha June. Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale ka hadli doona arrimaha qaxootiga.

Madaxweynaha Golaha Yurub, Donald Tusk, ayaa ka digay in arrinta isbadalka Yurub ay tahay arrin sharci ah oo adag sidaas darteed aan la damaanad qaadi karin heshiis in laga gaadho.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay