Raysul-wasaaraha dalka Turkiga Ahmed Daa’uud Ooglo, ayaa sheegay in sagaal qof la xidhay iyadoo lala xidhiidhinnayo qaraxii Arbacadii ka dhacay magaalo madaxda, dalka Turkiga ee Anqara. Qaraxan oo ahaa mid aad u culus oo meelo badan oo magaalada kamid ah laga dareemay ayay ku dhinteen 28 qof.

Wuxuu sheegay weerarkan dhimashada iyo dhaawaca ba gaystay inay qaadeen kooxda mintidiinta Kudiyiinta Suuriya ee loo yaqaano marka lasoo gaabiyo YPG, iyagoo gacan ka helaya kooxda kurdiyiinta Turkiga ee PKK ee ka dagaalama wadanka Turkiga.

Wuxuu magacaabay Salih Necar oo Suuriya u dhashay inuu qaraxa sameeyay. Ururka YPG ayaa sheegay inaysan ku lug lahayn weerarka sidoo kale ururka PKK ayaa sheegtay inaysan ogayn cida weerarka qaaday amaba ka dambaysay.

Mr. Ooglo, ayaa sheegay in lixdan ilaa toddobaatan mintidiin ah ooy ku jiraan hogaamiyayaal PKK , lagu dilay weerar cirka oo waqooyiga dalka Ciraaq habeenimadii Arbacada lagu qaaday.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay