Dawlada Kenya ayaa sheegtay inay ku dishay madaxii sirdoonka Al-Shabaab iyo toban qof oo kale weerar 8-dii bishan February ka dhacay Koonfurta wadanka Soomaaliya.

Korneyl David Obonyo, oo ah afhayeen u hadlay ciidmada difaaca Kenya (KDF) ayaa sheegay in Mahad Maxamed Karatey lagu dilay duqeyn lala beegsaday xerada Nadaris ee ku taalla inta u dhaxeysa Bu’aale iyo Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Mahad Karatey ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu abaabulay weerar dhimasho badnaa oo lagu qaaday saldhig ciidamada Kenya ay lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, kaasi oo askar badan oo Kenyan ah lagu dilay qaar kalana lagu dhaawacay.

Kenya waxay sheegtay in Karatey uu xerada u tagay geba gebada tababar loo dhameeyey 80 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo la doonayey inay weeraro kale oo argagixiso ah fuliyaan. Al-Shabaab ayaa beeniyey in Kenya ay dileen Mahad Karatey.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay