Wararka naga soo gaadhaya wadanka ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa sheegaya dhibaatooyin baahsan ooy ciidamada Hawaarintu kuhayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan Tuulada Nusdariiq oo Dagmada Qabridahare katirsan.

Warka ayaa intaas kudaraya inay Hawaarintu magaalada gubeen dhowr jeer iyagoo Xiliyada lajiifo gubaya. Falkan foosha xun ayay ciidanka Hawaarintu bilaabeen 10 kii bishan February iyagoo waday ilaa 16 bishan waxayna Tuuladu gubatay 7 Habeen oo xidhiidh ah iyadoo shacabku ay ogaadeen cida falkan kadambaysa oo ah ciidanka cadawga ah ee Wayaanaha.

Dhinaca kale ciidanka cadawga ayaa shacabka Tuulada xidhay aan kala joogsi lahayn kuhaya iyagoo ku eedaynaya inay shacabku gubayaan magaalada isla markaana waxay dadka ugaysanayaan jidh-dil iyo xidhay iyagoo dadka ka buuxiyay meelaha saldhigyada u ah Ciidanka Cadawga.

Ma aha markii ugu horaysay ee ciidanka wayaanahu gubaan tuulo ama guryo ay shacabku leeyihiin Waana mid kamid ah dhaqamada ay ciidanka gumaysigu leeyihiin.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay