Wararka naga soo gaadhaya wadanka ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ( JWXO ) ayaa ka warbixinaya tacadiyadii ugu dambeeyay ee loo gaysto shacabka S.ogadenia.

Tacadiyadan oo isugu jira kufsi, jidh-dil iyo xidhay ayay ciidanka Woyaanuhu ka gaysteen meelo kala duwan oo wadanka Ogadenya kamid ah.

Warkan ayaa shegaya in markay taariikhdu ahayd 17/2/2016 Dagmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay ay ciidanka Wayaanuhu kufsi ugu gaysteen muwaadinad u dhalatay Dagmada oo lagu magacaabo Raxma Sh Maxamad Aw-muxumad waxayna u gaysteen jidh-dil aad u badan, falkan waxshi nimada ah kadib waxaa dagaalamay aabaheed sh maxamad ow muxumad soofe oo isna laysku jabiyay xabsigana loo dhaadhiciyay.

Dhinaca kale waxaa markay taariikhdu ku beegnayd 17/2/2016 Tuulada Garigo’an oo Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob ka tirsan ay ciidanka gumaysigu ku xidheen kuna jidh dileen labo muwaadin oo lagu kala magacaabo: Shariif cabdi shariif mustaf iyo Badri Aw-aadan.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay