Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Gunagado ee Gobolka Jarar ayaa ka warbixinaya dagaal culus oo Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo kuwa gumaysiga Ethiopia ku dhexmaray duleedka dagmada Gunagado.

Warkan oon kahelay wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ee xarunta dhexe ee JWXO uga soo warama ayaa tibaaxaya in ciidanka cadawga khasaare lackad leh dagaalkan kasoo gaadhay.

Warkan ayaa sheegaya in Khamiistii taariikhduna ahayd 18/2/2016 Tuulada Fiqi-haaruun oo Dagmada Gunagado ee Gobolka Jarar katirsan weerar culus ooy ciidanka qalabka sida ee Ogadenia ku qaadeen fadhiisin ay ciidanka wayaanahu ku lahaayeen halkaas ay ku dileen 5 askari oo darajoojin kala duwan leh 8 kalana way kaga dhaawaceen.

Weerarkan oo ahaa mid sifiican loosoo qorsheeyay ayaa udhacay sidii loogu talagalay waxaana saldhigii lawareegay ciidanka JWXO iyagoo qalab militari oo badana ka qaniimaystay cadawga.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay