Weerar ka dhacay magaalada Kalamazoo ee gobalka Michigan ee dalka Maraykanka ayaa lagu dilay ugu yaraan 7 qof oo rayid ah kadib markii uu nin hubeysan rasaas ooda uga qaaday.

Ninkan falkan gaystay ayaa la sheegay inuu watay gaadhi isla markaana uu dhowr goobood oo kala gedisan uu rasaas ku furay, waxaana sidoo kale lasheegay inuu rasaasta la beegsanayay dadka jidka marayay.

Inta badan dadka weerarkan ku dhintay oo gaadhaya 5 qof ayaa ku dhintay makhaayad kamid ah goobihii uu rasaasta ku furay ninkan. Dadkaasi dhintay ayaa waxaa ku jirta gabadh 14 sano jirta. Labada qof ee kale ayaa iyaguna ku dhintay goob gawaadhida lagu iibiyo.

Dadka ku dhaawacmay weerarkan ayaa waxaa kamid ah labo qof oo uu dhaawac culus soo gaadhay oo uu ku jiro wiil 9 sano jira. Booliiska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ninka falkan gaystay, waxayna sheegeen inay baadhitaan wadaan. Ninkan oo lagu tilmaamay inuu yahay nin cadaan ah.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay