Waxaa maanta oo Arbaca la soo gebagebeeyey shirkii madasha 6-aad ee heerka sare ee Soomaaliya iyo beesha caalamka. Shirkan oo heerkiisu ahaa mid sareeya waxaa ka soo qayb galay dalal kor u dhaafaya 50 dal 12 hay’adood oo caalami ah.

Shirka waxaa laga soo saarey War murtiyeed 31 qodob ka kooban.

Shirka ayaa lagu soo dhaweeyey go’aankii Dowlada Federaalku ka gaartey doorashooyinka Soomaaliya 2016, waxaase lagu xusey maqnaanshaha Dowladda Puntland waxaana lagu yiri:

Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay dadaal walba u galaan oo lagu hubinayo Dowladda iyo shacabka Puntland in laga soo qeybgeliyo dadaalada socda si doorashooyinka 2016 ay u noqdaan kuwo loo dhanyahay oo laga wada qeybqaatay.

Sidoo kale shirka ayaa dalbadey in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah 2020

War murtiyeedka ayaa lagu dalbadey in la dedejiyo dhamaystirka dib u eegista Dastuurka.

Sidoo kale shirka ayaa soo dhaweeyey warbixinta Dowladda iyo maamulada dalku ka keeneen qiimeyntii New Deal, iyada oo sidoo kale shirku soo dhaweeyey qorshaha hormarineed ee Dowladdu dejisey 2017 – 2019.

Waxyaabaha kale ee Warmurtiyeedka looga hadley waxaa kamid ah dib u dhiska Booliska, la dagaalanka xagjirnimada, xuquuqda haweenka iyo caruurta, xoojinta waxbarashada iyo caafimaadka iyo xoojinta guddiga dhaqaalaha.

Beesha Caalamka ayaa ballan qaadey in ay sii wadeyso dedaaladeeda ku aadan Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii shalay khudbad dheer ka jeediytey shirka ayaa qudhiisu xusey in Puntland aysan ku qancin go’aankii ay gaareen waxaana uu ku tilmaamey hawl u taala Soomaalida dhex-deeda in tahay isla amrkaana lagu xalinaayo markii ay ku noqdaan dalkii.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Gaas ayaan ka qaybgelin shirka, waxaana shirka Puntland u joogey Wefdi heer Wasiir ah kuwaas oo sheegay in ay ku ekaayeen keliya barnaamijka New Deal ee aysan siyaasadda shuqul ku lahayn.

Puntland si toos ah uma qaadicin shirka inkasta oo war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada, lagu sheegay in Madaxweynaha Puntland yiri shirka waa mid Umaddda Soomaaliyeed lagu jaah-wareerinaayo, ka hor inta aanu u duulin dalka Maraykanka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay