Madaxwaynaha Masar Cabdulfataax Al-Siisii ayaa markii ugu horaysay sheegay in diyaaradii Ruushka ee ku dhacday gacanka Siinay ay soo rideen kooxda Muslimiinta mayalka adag ee ka dagaalama deegaankaas.

Isagoo ka hadlaya Telefishinka qaranka, ayuu sheegay in weerarka loogu tala galay sidii khasaaro loogu gaysan lahaa dalxiiska Masar iyo xidhiidhka ay la leedahay dalka Ruushka. Ruushka ayaa sheegay in diyaarada bomb lagu qarxiyay, iyadoo ay ku dhinteen laba boqol iyo labaatan afar qof.

Siisii ayaa horaan u diiday diyaarada inay soo rideen kooxda hubaysan eeDaacish balse hada qirtay inay kooxdaasi falkaas ka dambeeyeen. Shilkan ayaa saamayn culus ku yeeshay dalxiiska dalka Masar oo gaadhay meel aad u hoosaysa.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay