12767590_1047194872007044_1830601123_n

Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan umada Soomaaliyeed ee kunool wadanka Australia gaar ahaan gobolka Western Australia iyo nawaa xigiisa in uu jiro shirwaynihii jaaliyaadka Soomaalida Ogaadeeniya ee Pacifiga kaas oo ka qabsoomi doona magaalada perth.

Shirka waxaa kasoo qayb gali doona masuuliyiin iyo aqoonyahano ka socda jaaliyaadka Soomaalida-Ogaadeeniya ee pacifiga iyo madax kamid ah Ururka ONLF iyo sidoo kale madax  ka socota dawlada wadanka Australia, siyaasiyiin, saxaafada, ardayda Jaamacadaha iyo hay’ado caalami ah.

Shirkan oo ah mid sanadle ah oo ay jaaliyadu Sanadkiiba hal mar yeelato ayaa waxaa sanadkan Nasiib uyeelatay Magaalo madaxda Gobolka Western Australia ee Perth
taatiikhda sabti 26/march/2016  .. saaacada 05:00pm — 10:00pm 

Goobta:

Osborne park community centre 

 11 royal St Osborne park 

Contact:

Asad: 0432660232

Kaldeeq: 0412367021

ONA-Melbourne Australia

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay