Waxaan maqaaladii hore kusoo dulmarnay in dhaawac badan uu kasoo gaadhay daryeelkii xuquuqda aadanaha markii laga daawaday TV-yada caalamka sida akhlaaq darada ahee ay ciidamadii Mareykanka u ciqaabayeen maxaabiistay kasoo ururiyeen daafaha caalamka. Waxaa kaloon soo tilmaanay inay aad u farxad galisay dawladihii waligoodba ku tuman jiray xuquuqul insaanka sida ay dhiiqada ulasoo galeen dawladihii ku eedeyn jiray dambiyada ay ka galayaan xuquuqda aadanaha.

Markii lasoo ururiyo waxaa la odhan karaa soo bandhigidii xadgudubyada ciidamada Mareykanka iyo sirdoonka CIA-da, waxaa ka dhashay natiijooyin aanay mahdinin shucuubta dulman ee xuquuqdooda la duudsiyo. Hasa ahaatee, inta aynaan sii faahfaahinin arimahaa, waxaan xasuusin ahaan u dulmareynaa inay jiraan laba fikrad oy kala aaminsan yihiin dadka aqoonta u leh cilmiga dambiyada (Criminology). Koox waxay ku doodaan in fal-dambiyeedka marka la fashiliyo dadweynaha looga sheekeeyo siduu u dhacay iyo sida loo fashiliyay si dambiilayaasha ugu cibrad qaataan, dadaweynahana kalsooni u helaan. Kooxda kalena waxay ku doodaan inay haboontahay in laga qariyo dadweynaha oo aan loo bandhigin si aanay ugu dayanin kuwa nafsadooda bugto ama u sixin khaladka ay galeen kuwii hore.

Abu Ghraib-2-by fervidal31Markaad fiiriso dhibaatada ka dhalatay markii TV-yada caalamka laga daawaday ciqaabtii loo gaystay maxaabiistii Abu-Gareeb iyo Guantanamo, waxaad is-odhan waxaa u haboonayd shucuubta dulman inay qarsadaan Mareykanka haddayba fadeexadahaa dhex dabaasheen siday odhanayso xikmaddan carbeed ee ah – hadaad ibtilowdaan qarsada (إذا ابتليتم فاستتروا) . Sababtoo ah dawladda Mareykanka waxay ahayd dawlada 1aad ee difaaci lahayd xadgudubka baahsan ee caalamka hadheeyey. Markiise la arkay ciidankii Mareykanka oo dhiiqadaa dhex jiifa, kuwii horey ugu tuman jiray xuquuqda aadanaha waxay yidhaahdeen –waa sidaan rabnay !- waxayna wada qaateen kaarkii –Argagxiso la Dagaalanka– say ugu ciqaabaan qof kasta oo ka dhiidhiya dulmiga ay ku hayaan.  Inkastoo laga yaabo in wargaysyadii iyo TV-yadii soo bandhigay dambiyadaa ay ujeedadooda ahayd in la joojiyo xadgudubyada ka socda xabsiyada Abu-Gareeb iyo Guantanamo, lana maxkamadeeyo dambiilayaasha fuliyay falalkaa, hadana natiijada koobaad ee ka dhalatay waxay noqotay mid aanay mahdinin shucuubta dunida 3xaad. Inkastoo gudaha Mareykanka ay ka socdaan sixitaan si aanay u dhicin mar kale fadeexad la mid ah kuwaa, hadana waxaa meesha ka baxday dawladii Mareykanka ee laga bilaabo 1977kii Ilaalin jirtay Xuquuqda Aadanaha ee soo saari jirtay sanad walba warbixin caalami ah oo ku saabsan arimaha Human Rights-ka caalamka. Waxaa dhacday in boqolaal ama kumanaan qof ay xabsiyada jiifaan ama loo dilay dambiyo mala awaal ah oo aan jirin. Inkastoo aan ilaa hadda la’isku raacin macnaha qofka noqonaya (Argagixiso) oy tahay in lala dagaalamo iyo midka Xuquuqdiisa u halgamaya oy waajib ku tahay in la taageero, hadana dawlad walba waxay ku shaabadeysay –Argagixiso- qof kasta iyo urur kasta oo mucaarad ku ah.

Hadaan uga gudubno su’aashii ugu dambaysay ee ahayd; Maxaa la gudboon, shucuubta dulman ee xuquuqdoodii asaasiga ahayd u halgamaya, hadduu caalamkii sidaa noqday?

assad aw ..Waxaa la yidhaahdaa mayd waxaa ugu dambeeyay midkaa lasii wado. Xaaladaha ka jira caalamka ee indhaha laga qarsanayo, halku-dhigga ugu haboon ee lagu tilmaami karo  waxaa cudhiyay ciidanka qowlaysatada ah ee Bashar Assadka Suuriya. Sidaan la socono dagaalada halkaa ka socda iyo xasuuqa lagu hayo shacabka waxaa si life-ah looga daawadaa TV-yada caalamka. Waxay ciidanka raacsan gacanku-dhiiglaha Suuriya kala dooransiiyeen shacabka Suuriya markay dalbadeen dimoqraadiyad iyo cadaalad; Inay ogolaadaan Bashaar Assad ama ay dalka gubayaan ( الأسد أو نحرق البلد ), waxay kaloo kala dooransiiyeen; Inay Gaajo u dhintaan iyo mdaya-2inay u rukuucdaan Assad ( الجوع أو الركوع ). Ilaa iyo hadda dad kor u dhaafaya 350,000 ayaa lagu laayay Suuriya, waxaana ka dhacay dalka Suuriya aad loola yaabay oy ka mid ahayd suntii lagu buufiyay dad shacab ah oo caruur iyo haween u badan, xabsiyada oo boqolaal ay ugu dhinteen gaajo oo lasoo bandhigay sawiradooda. Sidoo kale magaalooyin laga horjoogsaday biya iyo baad oo shacabkii ay gaajo ugu dhimanayaan. Dambiyadaa oo lawada arkayo ayaa ka socda meela kala duwan oo caalamka ah. Waxayna u badan yihiin dadka uu ku dhacayo dhibka dad shacab ah oon waxba galabsan. Dawladihii ka hadli jiray arimaha Xuquuqul Insaanka oo Mareykanka ay ugu horeyso markii la arkay iyagoo si foolxuma ah ugu xadgudbaya xuquuqda maxaabiista, waxay noqotay in aanay halkaa u dhaafin, sababtoo ah, waxay sheegaanba waxaa la horkeeni waxay ka sameeyeen Guantanamo iyo Abu-Gareeb. Waxaa kaloo ku dhiiraday inay ku difaacaan codka Veto-ga dawladaha xasuuqa iyo xadgudubka baahsan fulinaya, sida Suuriya, Myanmar (Burma), Itobiya iwm, dawlada Ruushka iyo Shiinaha oo labadaba aanay aqoonsanayn wax la yidhaahdo Xuquuqul insaan.

Hadaan tusaale ahaan usoo qaadano shacabka Suuriya, saan uga jawaabno su’aashii ahayd; maxaa la gudboon shucuubta dulman ee caalamka, jawaabta waa; Halgan iyo Adkaysi.  suriyaWaxay shacabka Suuriya markii lakala dooransiiyo inay is-dhiibaan ama ogolaadaan adoonsiga ree Assad, waxay halku-dhig u qaateen; Is-dhiibi Mayno Xataa Haday Naga Shahiidayaan in Ka badan Malyuunkii Shahiid ee Halgankii Algeriya:

لن نركع حتى لو سحبنا لقب المليون شهيد من الجزائر

Xoriyadda waa la qaataa ee la’isma siiyo. Shacabkii dhexda kaga hadha halgankay bilaabeen oo u adkaysan waaya dilka iyo dhibka gumaysiga iyo gacan ku-dhiiglayaasha u adeegaya, nolosha ay ka doorteen xoriyadana heli mayaan, waxayna ku abaadayaan dullinimo.

Noora Afgaab/Jigjiga

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay