Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Nogob ee wadanka ogadenia ayaa sheegaya tacadiyo kala duwan oo ay ciidanka wayaanahu ugaysteen dadka shacabka ah ee bari magaydada ah, warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa sheegaya in ay ciidanka gumaysigu deegaano katirsan Gobolka Nogob ka gaysteen Dil iyo Jidh-dil halka qaar kalana ay xabsiga u dhaadhiciyeen waxayna u dhaceen sidan.

23/2/16 Dagmada Sagag ee Gobolka Nogob waxay ciidanka cadawgu ku dileen wiil da’a yar oo wali magaciisa aanaan helin.
24/2/16 Tuulada Garigo’an oo Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob katirsan waxay ciidanka wayaanahu xidhay iyo jidh dil isugu dareen dadka kala ah
1 maxamuud xirsi gaaruf
2 baray maxamuud xirsi gaaruf
3 maxamad cabdulaahi barkhadle
4 sh Rashiid macalim maxamuud oo indhoole ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay