Wararka naga soo gaadhaya Caasimada Gumaysiga Ethiopia ee Adis-ababa ayaa sheegaya in uu isdilay Taliyihii Booliiska ee Oromia, warkan oo aan xaqiiqadiisa kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ( JWXO ) ayaa tilmaamaya in uu ninkan gacantiisa isku dilay kadib markuu cadaadis xoogan kaga yimid xukuumada gumaysiga iyagoo amaro isdaba Joog ah kusiinayay in uu gumaado kacdoon wadayaasha oromada.
ninkan oo ahaa mas’uul kii ugu sareeyay Police ka Oromia ayaa intuuna is dilin sheegay in uusan sidan kunoolaan karin oo uu door bidi lahaa in uu aduunka dhaafo wuxuuna sheegay in lagu cadaadinayo wax uusan awood u lahayn oo ah wax kaqabadka kacdoon wadayaasha oromada.

Dhinaca kale kacdoon wadayaasha oromada ayaa xidhay wadada isku xidha Jigjiga iyo Adis-ababa iyagoo diiday in uu jidkaas maro wax baabuur ah waxayna baadhayaan baabuurta iyagoo bartilmaameed sanaya dadka u dhashay qoomiyada Tigree.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay