Waxaa wadanka Koonfur Afrika ka dhacay maanta ooy taariikhdu tahay 26-02-2016 shirar si heersare ah ay jaaliyada Soomaalida ogaadeeniya u soo agaasintay shirarkan ayaa lagu kala qabtay Magaalada Preroria ee Xarunta Jaaliadu kutaalo iyo magaalada Uitenhage  oo ah goobta sida wayn loogu soodhaweyay Waftidii uu Gudoomiyaha Jaaliyadu hogaaminayay ahna Farac aad u heersareeya 

sidookale shirka magaalada PortElizabeth ayaa lagu maamuusay munaasabada murugada ee Bisha February Xasuuqa Ogaadeeniya halkaas oo laga alhriyay qudbad kusaabsan gabood falada Gumaysiga Ethiopia ugaystay Shacabka Ogaadeeniya

dhanka kale shirkaas ayaa lagu dhisay maamulka faraca PE waxaana ladoortay xubnihii matali lahaa hawsha galgan ee sanadkan faraca loo qoondeeyay waxaana Gudoomiye loo maamuusay Mudane Halgame Cabdulaahi Axmed iyo xubno la shaqeyndoona

sidookale waxaa xarunta Jaaliyada ku qabsoomay kulankii bilaha ahaa ee Xubnaha Xarunta. Kadib markii laga soogudbay qodobada shirka ayaa xubnaha Ururka OYSU doorteen Xoghayaha Magaalada Pretoria wuxuuna noqday Mudane Maslax Faarax

isku soo duuduuboo shirarkaas iyo socdaalka waftiga Jaaliyada ee kormeerka ugu baxay faracyada ayaa guul kusoo dhamaaday waxaana isha kuhaynaynaa wixii ka soo cusboonaada socdaalka Gudoomiya ee uu gobolada kumarayo   

imageimage

 

imageimage

 

image

imageSA

imageS.A 1

ONA K/Afrika

Faseex Shariif

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay