Qarax aad u culus ayaa ka dhacay banaanka hore ee Hotel SYL oo aan wax badan ka fogeyn xarunta Villa Somalia. Qaraxa kadib waxaa la maqley rasaas xoogleh oo dhacaysa.

Weerarka ayaa dhacay maanta oo Jicme ah Salaadii Makhrib kadib.

Muddo 40 daqiiqo ah kadib qaraxii kowaad ayaa mar kale la maqley qarax kale oo culus, kaas oo la sheegay in uu ka dhacay Beerta Nabadda (Peace garden) oo loo nasasho tago maalinta   Jimcaha ah.

Weerarka beerta nabadda ayaa la sheegayaa in qorshaha al-Shabaab ahaa in ciidamada SYL ilaalinaya in ay so saaraan si ay u qabsadaan Hotelka.

Hay’adda sirdoonka Dowladda ee NISA ayaa dadka uga digtey in ay u dhawaadaan gawaarida yaala Baarkinka beerta Nabadda, kuwaas oo al-Shabaab loo badinayo qaarkood in ay ku xireen Bom, waxaana ugu yaraan qarxay afar gaari.

NISA waxay sheegtey in  ay dileen afar nin oo ahaa kuwii weerarka labaad ee beerta Nabadda ka qayb qaatey, hay’adda sirdoonka ee NISA  ayaa sheegtey in ay weerarka ku waayeen laba askeri oo ciidankooda ka mid ahaa, kadib markii weerarka u horeeyey qabsadey meel Isbaaro ah oo NISA joogtey.

Inta la og yahay ilaa hadda ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyoodey, Isbitaalka Madiina waxaa la gaarsiiyey dad aad u badan oo ku dhaawacmey weerarka

Al-Shabab ayaa sheegtey in ay weerarka ka danbeeyeen, waxaana ay sheegteen Malayshiyaad ka tirsan in ay gudaha u galeen Hotel SYL.

peace-garden

Beerta nabadda waa meel soo jiidata dadka Soomaaliyeed

Wararku waxay sheegayaan in Hotel SYL oo ay caan ku yihiin in ay degaan Siyaasiyiintu laga soo badbaadiyey Xildhibaano, Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda iyo Guddoomiyaal gobol.

Waa weerarkii labaad ku nool magaalada Muqdisho.

Weerarkan waxaa ka horeeyey maalintii shalay goor barqo ah oo al-Shabaab ay Hoobiyaal ku weerareen xarunta Villa Soomaaliya, kuwaas oo badankood ku dhacay guryo ku dhaw Madaxtooyada, waxaana ku nafwaayey 6 qof.

Weeraradan ayaa dhamaantood ku sbeegmaya xilii Madaxweynaha, Raysalwasaaraha iyo Afhayeenkii Baarlmaankuba ay dalka ka maqan yihiin.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay