London: Jaaliyada Ogadeniya ee wadanka UK ayaa waxa ay ku howlantahay shirweyne ay u qabanayso Haayadaha Xuquuqul insaanka iyo Warbaahinta Caalamka, Shirkaas oo loogahadli doono si qotto dheer arrimaha Xuquuqul Insaan iyo Tacadiyada ka jira Ogadeniya. Shirkan waxa si wada jir ah uga soo qeyb gali doona shacabka ku dulman taliska TPLF ee uu hoggaaminayo kaligi taliye Zenawi.

Shirkan oo aad loogu howlanyahay ayaa waxa lafilaya inay kasoo qeyb galaan suxufiyiin caan ah, iyo madax kasocda Haayadaha madaxa banaan ee caalamiga ah, sidoo kale xubno kasocda Baarlamaan ka tirsan Europe iyo Wadanka UK.

Waxaa kale oo Lagu daawan doona filimo cusub oo laga soo duubay Gudaha Ogadeniya oo kawaramaya dhibanayaal ay ciidamada Ethiopia wax soo yeleen.

Haddaba shirkan ayaa waxa la filaya inuu ka dhaco magaalada London taarikhdu markay tahay 15/OCTOBER/2011.

Waxii maclumaad ah ee shirkaas ku saabsan waxa aad si toos ah ugala xidhiidhi kartaan Gudida Qabanqaabada ama Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee UK.

07944723138/ 077 91702245.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay