War deg deg ah  oo hadda ONA soo gaadhay ayaa sheegay in ay ciidamada Itoobiya la wareegeen gacan kuhaynta Is maamulkii Gobolka Oromiya.

Shir albaabadu u xidhanyahay ooy xalay yeesheen saraakiisha sare ee kooxda Woyaanaha, sir doonka Itoobiya  & maamulkiii hore ee Gobolka Oromiya ayaa si qoto dheer leh looga wada hadlay kacdoonka ay shacabka Oromidu wadaan mudadad 4-ta bilood ah.

Warku waxa u intaas ku daray in shirkan la isku af garan waayay kadibna loo sheegay maamulkii hore ee  gobolka Oromiya oo awalba maqaar saar ahaa kaasoo uu hogaaminayay Muktar Kadir in lagu soo rogay xukun Militari oo deg deg ah waxaana xubnihii maamulka gobolka Oromada looga wada yeedhay magaalada Addis ababa.

Gobolka Oromiya ayaa waxaa loo qaybiyay 8 aag ooy kala hogaamin doonaan 8 Gerneral oo laga soo magacaabay wasaarada gaashaandiga ee Gumaysiga Itoobiya. Warku waxa kaloo uu intaas ku daray in ay guud ahaanba Itoobiya gaar ahaa gobolka Oromadu ay  ku fashilmeen xakamaynta kacdoonka shacabka Oromoya oo hadda socda mudo 4 bilood ah.

Dadka arrimaha Itoobiya u dhuun duleela ayaa walaac wayn ka muujiyay talaabadan ay Itoobiya qaaday, waxayna ku tilmaameen in ay talaabadani xaalada oo markii horeba murgsanayd ay kasii dari doonto ooysan xal noqon doonin.

image

ONA Addis Ababa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay