Maqaal: Gumaysiga tigrey iyo halganka ONLF.
Jabhada ONLF waa jabhad dagaal kula jirta
gumaysiga madow ee xabashida
waxayna dagaalka bilowday 1994 ilaa iyo
maantana waxaa si xawli ah ku socda
dagaalkii halgan ee ay ONLF bilowday 23 sano
kahor, kaasoo lagu raadin hayo
xoriyad laga helo gumaysiga madow ee
xabashida,
halganka ONLF ayaa soo maray mar xalado kala
duwan iyo wakhtiyo adag
waxaadna moodaa inuu maalinba maalinta ka
danbaysa uu yahay mid is kusii
shareeraya cirka.
Xaalada gumaysiga ethiopia ee maanta ayaa ah
mid naf la caari ah taas oo
miciiin biday inuu hadba geed madaxa la galo
waxayna tani bilaabatay markii
uu iska caabin waayay dagaalka ay wadaaan
naftood hurayaasha jabhada CWXO
midaas oo ay astaan toodu tahay GUUL ama
GEERI, wuxuu ciidanka gumaysigu
abuuray maleeshiyaad afsomali ku hadlaya si ay
usii dheeraysataaan mudada
ay ku sugan yihiin dhulka OGADENIA, lkn
talaabadaasi waxay keentay guul
daro usoo hoyatay cadawga, gumaysiga
xabashidu wuxuu bilaabay qorshe been
ah oo uu usoo safriyo dibada isaga oo mara soo
diraya wakiilada jijiga si
ay been tiisa iyo danihiisa u faafiyaan waxaad na
arkaysaa marar qaar
shacabkii oo ku mudaharaadaya ayagoo leh ma
rabno gumaysi iyo gumaysi kal
kaal midna, maanta waxaa xaqiiq ah inuu
quusitaan taaganyahay gumaysigu.
Waxaa batay dhigii iyo xasuuqii waxay gayasteen
danbiyo dagaal waxayna
abuureen colaad iyo nacayb horleh waxay
sameeyeen wax ka baxsan xuquuqda
bini aadamka iyo tan islaamka iyo waliba mida
somalinimo si kastaba ha
ahaaatee waxaa maanta uu gumaysiga u maaro
la yahay sidii uu u baabiin
la’aa qawlaysatadan uu abuuray iyo sidii uu
hubka uga dhigi lahaa waxaana
shaki ku jirin in gumaysiga ay caado u tahay inuu
tufo sida xan jada markii
uu macaanka ka dhamaysto sharafta kaga
ciyaaro oo u ku furo khuukhaal iyo
waxaan la arkin oo humaag ah.
Maanta ONLF waxay heshay fursadii ay raadin
haysay mudada dheer taas oo ah
in bulshadan lagu hago jidka tooosan ee xoriyada
inay u diyaar garoowdo
difaaca dalka hooyo iyo ilaaalinta xuduudaha
Dalka Ogadeniya uu la wadaago
wadamada dariska ah maadaamoo ay
wadakaceen shacabkii dulmanaa ee gacanta
gumaysiga kujiray sida Oromiya, waxaan kula
dardaarmayaa dhamaan walaalaha
halganka JWXO kuwa gudaha iyo kuwa dibadaba
in aynu laban laabno shaqada
halgankeena iyo in aynu ilaalino midnimada
shacabkeena dulman ee
Ogadeniya, waxaana lee yahay dhamaan
walaalahayga halgankow waxaaa inoo
balan ah GUUUL ama GEERI sida halyeeyadii
inaga horeeyay iyo kuwa maanta
safka hore ee dagaalka ku jira.
Ogadeniya guul iyo gobonimo insha allaah
Bye: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)
Libanmiyir@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay