Wasiirada maaliyadda iyo madaxda bangiyada dhexe ee wadammada uu dhaqaalahoodu horumaray ee ku jira kooxda G-20 ayaa si xooggan ugu kala ra’yi duwan sida loola tacaalayo hoos u dhaca dhaqaalaha adduunka ee la saadaaliyay.

Shirka ay xubnahaasi ku leeyihiin waddanka Shiinaha, ayuu wasiirka maaliyadda ee Jarmalka Wolfgang Schaeuble waxa uu ka soo horjeestay tallaabooyinka la sheegay in lagu hagaajinayo dhaqaalaha.

Waxa uu ku dhawaaqay in daymaha dhaqaale ee sii badanaya ay uga sii dareen kharashaadka ay isticmaasho dowladda oo gaaray meeshii ugu sarreysay, taasi oo sida uu leeyahay khatar galisay dhaqaalihii.

Hasayeeshee Jeroen Dijsselbloem, oo matalaya wadammada ku midoobay Eurozone-ka aya sheegay in niyadda dhaqaalaha ay weli noqon karto mid muhiim ah. Xoghayaha Maaliyadda ee Mareykanka, Jacob Lew, ayaa sheegay in ay sii kordhayso muhiimadda ah in la isticmaalo dhammaan siyaasadaha la heli karo si arrintan wax looga qabto.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay