Hay’adda xuquuqda aadanaha udooda ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dibadbaxyada gobolka Oromada ay weli socdaan, inkastoo dowladda ay hakisay qorshe lagu balaarinayey caasimadda Addis-Ababa. Taas ayaa dhalisay, ayay tiri hay’addu, in in dowladdu ay sii waddo qab-qasbasho rabshado ay la socdaan oo ka dhan ah dadka Oromada.

Warbixinta hay’adda ayaa faah-faahisay qoraallo kasoo baxay mucaaradka oo sheegaya in 200 oo qof la dilay tan iyo markii ay rabshadaha billowdeen bishii November ee sanadkii hore, islamarkaana kumanaan qof oo kale laxidhay.

Human Rights waxay ku warrameysaa in ciidamada ammaanka ay geysanayaan dambiyo ay ku jiraan inay rasaas oodda kaga qaadaan dad dibadbaxaya, islamrkaana ay jir dilaan kuwa laxidho.

Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu darnaa, ayay sheegtay warbixintu, inay ahayd isku dhac dhex maray ardayda jaamacadda Jimma ee gobolka galbeedka Oromia 10-kii illaa 11-kii January, markaasi oo booliiska ay bambooyin ku tureen dadkii dibadbaxayey.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay