Maalin nimadii shalay oo Sabti ahayd Taariikhduna ay ku ‘ beegnayd 27/2/16 waxaa xerada qoxootiga Xagardheere ee deegaanka Faafi kadhacay shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen inta badan xubnaha Faraca Iftin iyo taageerayaasha halganka ee ku nool xagardheere.

Shiirkan oo ahaa shirkii faraca ee caadiga ahaa ayaa furmay abaare 9:20 xiliga Bariga Afrika waxaana lagu furay aayado kamid ah Qur’aanka Kariimka ah iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyay Sheekh Cabdiqaadir wuxuuna sheekhu ku dheeraaday xasuusinta cabsida Allaah isagoo sidookale xubnaha xasuusiyay waajibaadka saaran oo ah difaaca Diinta, Dadka iyo Dalkeena lahantiyay.

Kadib waxaa warbixin dheer oo dal iyo dibadba ah soo jeediyay Aamiin Axmad oo kamid ah xubnaha Faraca Iftin wuxuuna si qoro dheer leh uga waramay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Ogadenia kadhacay iyo wararka jaaliyaadka JWXO ee dibadaba.

Sidookale waxaa kalmad qiimo badan laga dhagaystay Gudoomiyaha Gudida Qoxootiga Ogadenia Daahir maxamad oo kalmado guubaabo iyo warbixin ah usoo jeediyay bulshada.

Waxaa isna hadlay Gudoomiyaha Faraca mudane cabdulaahi Badal oo shirka hagayay ayaa dhankiisa xubnaha uga war bixiyay xaalada guud ee wadanka Kenya oo kujira xiligii qaban qaabada doorashada waxayna gudidu soo jeediyeen qaabkii dadka deegaanka loogala shaqayn laha ololahooda dhanka doorashadaimage image image image image image image image image.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa si habsami ah Kusoo dhamaaday kulankii wuxuuna soo idlaaday abaare 12:30pm.

Cabdiraxmaan
ONA – Xagardheere.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay