maanta oo ay taariikhdu tahay 2016.02.27, waxaa xafiiska jaaliyada somalida Ogadeeniya ee wadanka Sweden gaar ahaan caasimadiisa lagu qabtay xuskii maalinta xasuuqa Ogadenya oo ah maalin si wayn looga xuso aduunka dacaladiisa. maalintaas oo ah maalin murugo iyo xanuun xanbaarsan ayaa waxaa loo qabtaa si dhalinta yar yar ee soo koraysa ay u bartaan dhibaatooyinkii iyo xasuuqii shacab somalida Ogadeeniya kala kulmay gumaysiga madow ee Ethiopia.

Shirka oo ahaa Shir si wanaagsan loo soo agaasimayay ayaa waxa ka soo qayb galay xubnaha jaaliyada Stockholm iyo nawaaxigeeda degan iyo marti sharaf kale oo uu ka mid ahaa wariye u dhashay dalka Maraykanka oo ah wariye si wayn wax uga qora geeska Africa gaar ahaan Ogadeeniya.

wariyuhu wuxuu si gaar ah diirada ugu saaraa qoraaladiisa dhibaatada ka soo gaadha shacabka ciidamada guumaysiga iyo shirkadaha shidaalka baadha. wariyuhu wuxuu hada soo wadaa buug uu ka qoray ogadeeniya oo dhawaan soo bixi doona.

shirka waxaa furay gudoomiyaha Jaaliyada mudane Abdirahman Bashiir oo ka  war bixiyay ujeedada shirka iyo wax yaabaha diirada lagu saarayo inta uu shirku socdo. shirka oo lagu soo bandhigayay xasuuqa iyo dhibaatada gumaysigu ku hayo shacabka Ogadeeniya, ayaa waxaa ka hadlay qaybaha kala duwan ee bulshada.

dadka goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Riyale Hamud oo u soo joogay wax badan oo ka mid ah dhibaatooyinkasi markay dhacayeen. xidhibaanku wuxuu is dul taagay taariikh ahaan xasuuqan markay dhaceen isaga oo si waafi ah u sharaxay dhibaatooyinka iyo xasuuqa uu guumaysigu u gaystay shacabka.

Ururka oo goobta si buuxda uga soo qayb galay waxaa meesha ka hadlay Marwo Cibaad iyo Marwo Ismahaan oo ah gudoomiyaha ururka haweenka Sweden oo labaduba ku dheeradeen xasuuqa shacabka soomaalida ogadenia iyo marxalada hada la marayo.

Ayaan Ali haydar oo u hadashay gudiga fulinta OYSU ayaaa soo diyaarysay qoraaal dheer oo kaga hadlaysay dadkii lagu wax yeeleyay ogadenia, waxayna  xustay goobaha iyo waliba dhacdooyinkii is dabajooga ah goohay ka dheceen.

waxyaabaha sida gaarka ah dadka dareenkooda u badalay waxaa ka mid ahaa muuqaalo iyo sawiro laga soo qaaday dhibanayaal uu dhibaateeyay guumaysiga abasiiniya.
maalinta xasuuqa ogadeeniya oo ah maalin si wada jir ah ay u qabtaan ururada bulsha ayaa si wanaagsan u dhacday.

ONA- stockholmIMG_0544 IMG_0545 IMG_0547 IMG_0549 IMG_0551 IMG_0552 IMG_0554 IMG_0557 IMG_0558 IMG_0561 IMG_0565 IMG_0569 IMG_0576 IMG_0577 IMG_0579

ONA- stockholm

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay