Masuuliinta dalalka ay ciidamadu ka joogaan wadanka Soomaaliya ayaa waxa uu shir uga furmayay dalka Jabuuti.  Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha ammaanka ee dalka Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa howlgallada lagula dagaallamayo kooxda  Al-Shabaab.

Madaxa Nabad-geliyada iyo Amniga ee Midowga Afrika Ismail Chergui, ayaa sheegay in howlgal adag oo ka dhan ah Al-shabaab si deg deg ah loo billaabi doono.

Dhinaca kale Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka qeybta ka ah howlgalka AMISOM, ayaa shir looga hadlay  xoojinta la dagaallanka argagixisada waxa uu uga socdaa dalka Jabuuti.

Sidoo kale Wasiirada Difaaca ee waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa shir ku leh dalka Jabuuti, kaasoo uu shir gudoominayo Wasiirka Gaashaandhigga ee Jabuuti, waxaana uu qeyb ka yahay shirarka looga hadlayo arrimaha ammaanka ee dalka Soomaaliya.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay