Qofkii Eebo (SW) uu hibo u siiyo garashada iyo gobanimada fahamkeda inuu dareensanaado oo kaliya ayaa noqon kara garaad iyo hogaan dhaqan oo xalaal quute ah, maxaa yeelay garashadu waa halbeega ugu khatarsan ee nolosha loo cuskado cayminteeda iyo cilado bixinteeda, waa gobada laga dhaliyo dareemada iyo ficilada ku weeran kasmooyinka garasho ee loogu male iyo miciin dhaqaaqo hanaanada lagu doojiyo nolosha dadka oo ku caan baxday inay la kulanto marxalado iyo mawjado badan.

Gobanimaduna waa dareen side togan oo bidhaamiya qaabaynta iyo qurxinta guusha waana dareen ogaal bixiya wadiiqooyinka toosan ee halganka, dareenkuna waa kiciyaha damiirka runtii wuxuuna ku madheedhiyaa wadaniga inuu aqonsado dhabtimaha halganka iyo xaqiiqoyinka ku xeeran doorkeda iyo hiilooyinkeda si ay markaasi ugu dhaameelaan inay wajahaan jahooyinka ay hubaaluhu ku qarsoonyihiin.

Hadaba Sooyaalka taarikhdu ma salguurto waana dhaxal reeb dhigaal u noqota dadka iyo dalka, garashaduna ruuxa waa sad u gooniya oo aan cidi la wadaagin haday tahay mid uu ku sharaf yahay iyo haday tahay mid uu isku gawracay, dhaqanka iyo ku dhaqankisa waxaa xidha xakab iyo silsilad ma dhaafaana Waana mida uu kaga soocmay (mujaahid Sheekh Ibraahin Abdalle) dad tiro badan Mujaahidka fikirkiisu wuxuu ahaa mid aan falin ficilada xun wuxuuna lahaa seeroyin adag, wuxuu dharaaro badan weerka u gaashaanhuwaday inuu ka midha dhaliyo soona gadaal dhiciyo himilooyinka iyo hirarka gobinimo ee umadiisa Ogadeniya.

Wuxuu ku sifoobay hogaan wanaag waadaxa oo xalaal ah, wuxuu ahaa mid ka caagan inuu damac ka galo bidhaamaha iyo hininiga guracan ee xanbarsan naxliga iyo sakalaha nololeed, wuxuu la dagaalami jiray falalka iyo aragtiyaha xun’xun ama ku gafaya milgaha iyo maamuska uu xanbaarsan yahay oo ah mid uu ku matalo dadkiisa gobonimada jecel, wuxuu mabaadiidiisa iyo mawqafkiisa ku dhisay garasho toolmoon iyo dhugmooyin aqooneed oo ay jahaynayaan falsafado karti iyo hiigsi hilaado durugsan, hubaashii mujaahidku wuxuu ahaa xurmadle garasho san ku fahmay meel marinta iyo midabaynta tilmaanta ciso sharafeed iyo inuu u adeegsado tubaha iyo toobiyaha haboon, muunadaha iyo midabada sandaladeed waxay sida gaaraa bidhaanka ugu taxanyihiin goohiisa iyo ganafyadiisa.

Wuxuu dhiigiisa kaga soocmay garashadiisa xorta ah ee uu ku maamulayay dadkisa, wuxuu ahaa xurmadle yeeshay mabd’a adag iyo ujeedo hiigso oo garawsiisay inuu yaqaano meesha uu u socdo iyo wuxuu hiigsanayo taaso kentay inuu dadka u hogaan qaado goobo san oo saxal baxsan, xaqiiqdii wuxuu ahaa xurmadle u dhiifoonaaday inuu ganafka ku dhufto dulmiga iyo darxumada sirgaxan ee cawaaqib xumadu ka muuqato ee gumaysiga, kamana murgin himilooyinka qarsoon ee hogaan dhaqameed, wuxuu u hagar banbaxay oo uu ugolan golay hanashada iyo ka manfac dhalinta qadiyadii lagu suntay.

Haybadle Mujaahid Sheek Wuxuu hubaashi ku nagaaday dharaaro badan halkii lagu yaqaanay isagoo u dhabar adaygay timaadooyin tiro badnaa oo toganaan iyo tabanaanba lahaa, kuwaaso hogaan dhaqameed badan shaabuug maareeyay ilaa ay qaadashada gunimada kaga tolmeen inay ku guuxaan, xurmadle Sheekh Ibrahim wuxuu wacad ka maray inuusan baahiyaha nololeed bakhti u cunin oo uusan u il gorayayn goobaha gunimada laga soo mudhbixiyo go’aamadiisii xadiidka ahaa markasta waxay samada ku sii shareerayeen burjigisa iyo magacisa hogaamineed, wuxuu ahaa mid ka cokan in loo adeegsado in lagu cabeeyo qadaadiic sumaysan oo lagu hagardaameeyo bulshada halgamayaasha ah ee casho iyo cawaba lagu taamayo in aan kab iyo karini u cayman.

Wuxuu ahaa garasho badane ka dhiidhiyay fool xumada iyo magac darada lala doonayo, wuxuu ku taawilay himiloyin iyo hindisoyin uu ku ciil tiro dadkiisa iyo gurigiisa, dhanka kale waa garasha dheere ka dhiidhiyay inuu dul hogto doqonimada iyo ducufnimada gumaysiga, wuxuu weerka u xidhay inuu raacdeeyo guulaha lagu dhaqnaan karo danbaysada nololeed iyo reebista raad dhaqameed sharafaysan kaaso ay magan uga yihiin jiilasha danbe, Xiligi ay siloonatay ayuu talada iyo tibaaxda sumcad ku dhaqaajiyay isagoo diiradaha maanka ku sugay tilmaamaha quman ee garashada fiyow u sahlayso sahashadoda.

Waana tan hirgal ka dhigtay in fulinteedu ka muuqato aduunka odhan, ugu danbayntii waxaan odhanayaa hadii ay taariikhdu xusto qaybaha wanaagsan ee ruuxa waxay xusi doontaa dhiifaha iyo dhiiranaanta uu muujiyay Sheekh Ibarahim taas oo uu uhagar baxay inuu u dabranaaday sandaladii uu lahaa iyo kudhaqankeeda.

By: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Libanmiyir@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay